WAR Farxad Leh Oo Jamaahiirta Barca Uga Soo Yeeraya Xidiga Ay Ugaarsaneyso Kooxdooda Ee Dembele

Macalinka Kooxda kubadda cagta Borussia Dortmund, ee dalka Jarmalka ayaa wuxuu sheegay in Madaxda kooxdaan ay caawa shir ka yeelan doonaa xaalada xidiga bartilmaameedka unoqday Barca ee Ousmane Dembele.

Ciyaaryahankaan ayaa waxaa si weyn udooneysa Kooxdaan kadib markii ay dhankeeda lumisay xiddigeeda Neymar, kaasoo 222 Malyuun ugu biiray Naadiga PSG, ee dalka Faransiiska.

Kulanka ay Borussia Dortmund, ka dheeleyso kooxda Rielasingen-Arlen, oo dhaca caawa ayaa waxay uga hadli doonaan maamulka kooxdaan sheekadda ku aadan ciyaaryaryahankaan, iyagoona Berito war cad kasoo saari doona.

“Kulankaan ayaan isku arki doonaan, wax wax walibana waxay kala cadaan doonaan berito ah,” ayuu usheegay maamulaha Naadigaan, Shabakadda Sky Sports, ee kasoo baxda Dalka Ingiriiska.

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close