WAR Ka Farxinaya Tagaareeyaasha Barca Oo Ku Saabsan Di Maria Oo Lasoo Yeeraya Kooxdooda

Wuxuu ahaa mid kamid ah ahdaafta ugu weyn ee Barcelona, suuqa kala iibsigii soo xermay, iyadoona dooneysay inay bedal kaga dhigto Neymar, kaasoo kooxdaan kaga biiray Paris Saint-Germain, xilli lagu iibsaday aduun dhan 222 Malyuun, uuna noqday xiddiga ugu qaalisan aduunka.

Di Maria, ayaa waxaa lagu soo waramayaa in maanta oo Arbaca ah, in Blaugrana ay qorsheeneyso in wiilkaan ay siin doonto sanad waliba 10 Malyuun, taasoo ah aduun aad u badan, islamarkaana uu kaga dhaqaaqi karo caasimada dalka Faransiiska, oo uu ku biiray Laba sano ka hor.

Wiilkii hore ee Real Madrid, ayaa waxaa loo arkaa inuu ku haboon yahay imaanshaha Naadigaan, islamarkaana uu wax badan ka qaban doono, hadii uu kusoo laabto Horyaalka La Liga, oo uu kusoo matelay sanado badan Los Blancos, islamarkaana uu kula soo guuleystay.

Related image

Naadigaan ka dhisan Gobolka Catalans, ee Barca, ayaa waxay ka faa’ideysaneysaa dhiibatada haysata PSG, oo ah in lagu soo eedeeyay inay jibisay xeerka kala wareega xiddigaha, kaasoo haatan uu ku soconayo Baaritaan, waxaana suura gal inay iska fasaxdo xiddigaan.

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close