Wararka ugu danbeyay ay wargeysyada England ka qoreen suuqa kala iibsiga iyo xanta kale ee kubada cagta

Daily Star

Maalin Wanaagsan dhamaan Aqristayaasheena sharafta leh  ee Laacib.so kuna soo dhawaada wargeysyada iyo wararki ay ka qoreen suuqa kala iibsiga maanta oo Talaada Ah.

Wararkan waxaan ucuskaneynaa halka aan kasoo tabinay oo ay war walbe ku qoran tahay cida masuuliyadiisa leh.


 

Chelsea, Manchester City iyo Juventus oo ah dhamaantood kuwa baadi goob ugu jira saxiixa xiddiga qadka ee dalka Spain iyo naaadiga Real Madrid Isco kaasoo lagu. (Daily Express)

Manchester City oo lagu war geliyay in laga iibin doona xiddiga qadka ee Schalke Leroy Sane balse waa hadii ay dhiiban ugu yaraan £40m. (Sun)

Leicester City ayaa ah mid usoo bandhigi doonta weeraryahankeda Jamie Vardy heshiis cusub kaasoo ka dhigayo mid qaata in kabadan laba laab inta hada lasiiyo.(Daily Mail) 

Bournemouth ayaa ku raad joogta saxiixa weeraryahanka Chelsea Patrick Bamford kasoo ah mid dib uga soo noqday heshiiski amaahda ee Crystal Palace.(Daily Star)

Macalinka Manchester United Louis Van Gaal oo ka dhawaajiyay in Marouane Fellaini uusan meel uga socon kooxda xilli AC Milan xiddigan ay ku rabta amaah.(Independent)

Crystal Palace ayaa ku rabta £10m xiddiga qadka dhexe ee Swansea  Jonjo Shelvey.(Daily Telegraph) 

 

Aston Villa oo doonaysa saxiixa daafaca midig ee Arsenal Mathieu Debuchy xili ay tartan kala kulmi doonta West Brom.(Sun) 

Barcelona ayaa diiwanka gashatay 77 ciyaaryahan, kuwaasoo ay kamid yihiin Arda Turan iyo daafaca Aleix Vidal, kadib 14 bil oo ay ganaax uga maqnayen kaasoo dhamaday Isniinti shalay aheyd. (Metro)

Weeraryahanki hore ee xulka Brazil Ronaldinho, ayaa helay codsi kaga yimid naadiyo ka dhisan England, sida ay shegen walakisa ahna wakiilkisa. (Times- subscription required) 

Xiddiga reer Brazil kana ciyaara qadka ee naadiga Man City Fernandinho ayaa sheegay in uu uxanaaqay macalinkiisa Pellegrini kadib markii uu badal kusameeyay. (Manchester Evening News) 

Arsenal ayaa dib ugu yeertay xiddiga 2o jirka reer Jarmal ee ka ciyaare qadka dhexe Serge Gnabry kadib markii uu amaah ugu maqnaa West Bromwich, inkastoo hadana loo diri doona amaah koox ka ciyaarta heerka labaad.(Telegraph) 

Liverpool ayaa wadahadal lafurtay 16 jirka reer Polan ee ah goolhaye Kamil Grabara kaasoo uciyaara Ruch Chorzow asaga oo kubiiri doona Akademiyada kooxda.(Liverpool Echo) 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close