Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Mustaqbalka Sanchez: Maxaa Ka Cusub Ugaarsiga City iyo Man United

Maalin wanaagsan, saaxiibayaal waxaad kusoo dhawaataan wararkii ugu dambeeyay ee ku saabsan mustaqbalka weerar yahanka Arsenal ee Sanchez, kaasoo si weyn loola xiriirinayo kooxaha Man United iyo Man City.

Wararka ugu waa weyn oo ay qorayeen maanta oo Sabti ah wargeysyadda ugu waa weyn wadanka UK, ayaa waxay sheegayaan in kooxda kubada cagta Man City ay isaga baxdey loolanka Sanchez, islamarkaaan ay kali ku noqotey United.

Wargeyska Express Sport, ee kasoo baxa UK, ayaa wuxuu sheegayaan in Man United ay tahay kooxda ugu badan ee uu hada fursado ka heli karo Sanchez, sidaas darteeda uu halkaas aadi doono.

Laakiin, warar madax banaan ayaa waxay tilmaamayaa in Manchester City, ay suuragal tahay inay soo laba kacleyso islamarkaana ay miiska u saarto Gunners-ka, qiimaha ay rabto oo ah sida la sheegay 30 Malyuun.

Macalinka Arsenal, ee Arsena Wenger, oo ka hadlayey mustaqbalka Sanchez, ayaa wuxuu sheegay in wiilkaan uusan meelna aadi doonin bishaan, laakiin Express Sport, ayaa rumeysan inay macquul tahay inuu baxo Sanchez.

Maamulaha Manchester City ee Pep, oo ka Hadley sheekada ku aadan inay lasoo wareegayan Sanchez, ayaa isagoo ka hor kulanka Liverpool ee Berri wuxuu meesha ka saarey inay helaan, taasoo ka dhigan inuu aadi karo Man United.

Sikastaba, arrinta Sanchez iyo mustaqbalkiisa Arsenal ayaa saacad walba waxay tahay mid mugdi sii galeysa, waxaana Shabakada Laacib.so ay kuu balanqaadeysaa inaad wax walba oo ku saabsan aad la socon doonto.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close