Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda, Shanta Horyaal Ee Yurub

Maalin wanagsan dhamaan akhristayaasha Shabakadda Wararka Ciyaaraha ee Laacib.so, waxaad kusoo dhawaataan wararkii ugu dambeeyay ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda oo idib kaga imaanaya Xafiiska Muqdisho. Maanta Wuu Camiran Yahay Suuqa!!

Inter Milan Khadkeeda dhexe 28-sano jirka ah ee Ivan Perisic ayaa waxaa lasii horsheeyay goor hore inuu in nolashiisa ay tahay Manchester United, waxaana la rajeynayaa inuu usoo dhaqaaqo Old Trafford ka hor inta aysan xermin daaqadda Suqua kala iiibsiga ciyaartoyd. (Manchester Evening News)

Arsenal ayaa la rajeynayaa inay gudbiso dalabkeedii seddaxaad oo ku qotoma Garabka duula ee Monaco, Thomas Lemar, kaas oo kol hore laga soo diiday dalabka aduun lacageed dhan 30 Malyuun Iyo 40 Malyuun, waxaana ay haatan gudbineysaa 45 Malyuun, si ay uhesho xagaagan. (Daily Mirror)

Gunners Weeraryahankeeda 25-sano jirka ah ee Theo Walcott, ayaa la qeexayaa inuu diyaar uyahay inuu udagaalamo booskiisa kooxda, xilli lala xiriirinayo Naadiga aadka uyar ee West Ham, taas oo dooneysa inay qaadato aduun dhan 20 Malyuun. (Daily Star)

Laacibka Kooxda Liverpool ee Philippe Coutinho, ayaa waxaa lala xiriirinayaa PSG, waxaana lagu bartilmaameedsanaya 80 Malyuun oo ay soo bandhigtay Naadiga ay lee yihiin Maalqabeenadda reer Carbeed, waxaase xiisaha xiddigaan ku wehlisa dhigooda Barca.

Wararka ka imaanaya Spain ayaa waxay sheegayaan in xiddiga Dani Ceballos, oo lagu waday inuu Tijaabadda caafimaadka umaro Real maanta oo Isniin ah uu dib udhac ku yimid, waxaana aan la ogeyn sababaha keenay in laacibkaan uu maanta Tijaabadda caafimaadka umari waayo.

Ugu dambeyntii, ciyaaryahanadda kala ah Alvaro Morata iyo James Rodriguez, ayaa waxay kusoo laabteen Waaxda Tababarka ee kooxda Real Madrid iyadoo aanan la hubin mustaqbalkooda Naadigaan, labadooduba waxay bartilmaameed uyihiin kooxo waa weyn.

http://e00-marca.uecdn.es/assets/multimedia/imagenes/2017/07/10/

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

Abdi Rahman Adani

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close