Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Shanta Horyaal Ee Yurub Ugu Weyn

Maalin wanaagsan, dhamaan saaxiibada ku xiran, Shabakada wararka cayaaraha ee Laacib.so waxaad kusoo dhawaataan wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, maalintii Todobaad:

Weerar yahanka Faransiiska kasoo jeeda misana 26-sano jirka ah ee Antoine Griezmann, ayaa wuxuu dal-ban doonaa Mushaar dhan 400,000 Malyuun oo Yuuroo si uu uga soo tego Atletico Madrid. [Daily Mirror]

Liverpool, ayaa dooneysa weerar yahanka AS Monaco iyo qaranka Faransiiska, misana 22-sano jirka ah ee Thomas Lemar, si ay ugu bedasho Philippe Coutinho, iyadoona rabta inay hesho isla bishaan Janaayo. [Daily Mirror]

Go’aankii ay Liverpool, ugu ogolaatey in Philippe Coutinho, uu ku biiro Barcelona, ayaa waxay aysan ka dhigeen mid macquul ah in Thomas Lemar, uu xagaagan kusoo biiro Reds, uuna kasoo tego Monaco. [Sky Sport]

Liverpool ayaa waxay isku deyi doontaa in xidiga khadka dhexe ka dheela ee Naby Keita, uu Anfield yimaado xagaagan, waxayna dooneysaa inay sarre uqaado dalabkeeda ku aadan arrinkaas [Telegraph]

Xidigaha ay suuqa ka beegsaneyso Real Madrid xagaagan oo Chelsea ka tirsan ee kala ah: Eden Hazard oo 27-sano jir ah iyo goolhaye Thibaut Courtois oo 25-sano jir ahaa waxay ku xirnaan doontaa inay soo qaadato xidiga Spurs ee Harry Kane, oo 24-sano jir ah, taasoo ay muddo dooneysa Madrid. [Sky Sport]

Real Madrid ayaa waxay soo qaadey dalab dhan 177 Malyuun, kaasoo ay ku rabtey Philippe Coutinho, ka hor inta uusan 192 Malyuun oo Dollar, uusan ugu biiri dhigeeda Barcelona ee wadanka Spain. [Mundo Deportivo – in Spanish]

Coutinho ayaa waxaa uu mari doonaa tijaabada caafimaad maanta oo Isniin ah, waxaana xidigaan aanan lasoo bandhigin waqtiga uu kulanka ugu horeeya dheeli doono sababo dhaawac owgeed. [AS]

Wararka Xanta Ah Ugu Waa Weyn:

Liverpool, ayaa waxay lasoo saxiixan doontaa laacibka 26-sano jirka ah ee Leicester City, ee Riyad Mahrez, wuxuu tijaabada caafimaad uu umari doonaa sacadaha soo aadan. [Bein Sports]

Manchester City, ayaa waxa ka gudbisay xidiga Arsenal ee 29-sano jirka ah ee Alexis Sanchez, waxayna dooneysaa inay hesho inta lagu guda jiro bishaan Janaayo, oo uu furan yahay suuqa. [Sunday Mirror]

Ugu dambeyn, Manchester United ayaa waxay udhaqaaqeysaa soo xero gelinta xidiga 28-sano jirka ah ee Gareth Bale, iyadoona diyaar u ah inay lasoo wareegto inta lagu jiro suuqaan Janaayo ee 2018. [Sunday Express]

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close