Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Shanta Horyaal Ee Yurub Ugu Weyn

Maalin wanaagsan, dhamaan saaxiibadda ku taxan Shabakada wararka cayaaraha ee Laacib.so waxaad kusoo dhawaataan wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee shanta horyaal ee Yurub, maalintiisii Todobaad:

Liverpool ayaa udhadhaaqeysa inay kala soo saxiixato Riyad Mahrez dhigeeda Leicester City waxaana 26-sano jirkaan la filayaa inuu caafimaad u maro maanta oo Axad ah. [Bein Sports]

Reds ayaa waxay diyaarineysaa inay si deg deg ah ay kula soo wareegto bedelka Philippe Coutinho waxayna rabtaan inay lasoo saxiixato 22-sano jirka khadka dhexe uga dheela AS Monaco ee Thomas Lemar. [Liverpool Echo]

Arsenal ayaa waxay ku dhowdahay inay 25 Malyun ay ugala soo wareegto West Brom, daafaceeda 30-sano jirka ah ee Jonny Evans. [Sun on Sunday]

Mauricio Pellegrino macalinka kooxda Southampton ayaa sheegey inuu rabo inuu dib ulaga soo wareegto Arsenal garabka duula ee Theo Walcott oo 28-sano jir ah. [ESPN]

Macalinka Bayern Munich ee Jupp Heynckes ayaa meesha ka saarey in 30-sano jirkiisa dhaxda uga dheela ee Arturo Vidal uu bishaan Janaayo usoo wareegayo Chelsea [Mail on Sunday]

Madaxa fulinta ee Juventus ee Giuseppe Marotta, ayaa wuxuu sheegay inay ilgaar ah ay ku eegi doonaa xaalada 24-sano jirkooda reer Argentina ee Paulo Dybala, xili ay rabaan kooxo waa weyn. [Football Italia]

Manchester United makala lumi doonto Chelsea, wax tartan ah soo qaashadda 26-sano jirka Juve daafaca uga dheela ee Alex Sandro, waxayna heli karaan hadda. [Calciomercato.com iyo Manchester Evening News]

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close