Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Shanta Horyaal Ee Yurub Ugu Weyn

Maalin wanaagsan dhamaan saaxiibada ku taxan Shabakada wararka cayaaraha ee Laacib.so, waxaadna kusoo dhawaataan wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Shanta horyaal ee ugu weyn Yurub, maanta oo Talaado ah:

Manchester City, ayaa dalab saafi ka gudbin doonta weerar yahanka Arsenal, ee Alexis Sanchez, oo 29-sano jir ah, waxayna rumeysan yahay in Gunners-ka, ay ka ogolaan doonto inuu wiilkaan reer Chile, uu baxo bishaan. [Guardian]

Sanchez, ayaa wuxuu diyaar uyahay inuu qaato suurta galnimada aduun dhan 25 Malyuun oo uu bishaan ugu biiro Manchester City. [The Sun]

Arsenal, ayaa waxay ogolaan doontaa inuu baxo Sanchez, hadii ay hesho in ku dhow 30 Malyuun, waxay dooneysa in la dhameystiro saxiixiisa goor hore, si ay ula soo wareegto midkii ubedali lahaa. [Daily Mirror]

Illo wareedyo ku dhow dhow Sanchez ayaa waxay rumeysan yihiin inuu wiilkaan ku noqon doon wax ka yar hal Isbuuc ciyaaryahan Man City ka tirsan. [Independent]

Arsenal ayaa waxay ka dhigatey weerar yahanka AS Monaco ee Thomas Lemar, oo 22-sano jir ah, kaasoo ay weysay sanad ciyaareedkii lasoo dhaafey dookheeda koowaad si ay ugu bedasho Sanchez. [Daily Mirror]

Macalinka Monaco, ninka lagu magacaabo Leonardo Jardim, ayaa wuxuusan meesha ka saarin inay dhici kareyso in Lamer ay iibiyaan bishaan Janaayo. [L’Equipe – in French]

Arsenal iyo Liverpool, ayaa xiiseynayaa ciyaaryahanka khadka dhexe uga dheela Barcelona iyo qaranka Croatia, ee Ivan Rakitic, oo 29-sano jir ah, kaasoo raba inuu baxo kadib markii uu yimid 25-sano jirka kubad sameeyaha ah ee Philippe Coutinho. [Diariogol – in Spanish]

Liverpool, ayaa beenisay in kaliya dalabkeeda saxda ah laga jarey inay dhacdo in Barcelona ay ku gadato Coutinho aduun dhan 142 Malyuun ooo Yuuroo. [Times]

Ciyaaryahanka khadka dhexe ugad heela Arsenal iyo Faransiiska ah ee Francis Coquelin, oo 26-sano jir ah, ayaa waxaa dhici karta inuu bishaan uu uwareego West Ham, oo xiiseyneysa wiilkaan. [Daily Mirror]

Sidoo kale, kooxda reer Spain, ee Valencia, ayaa waxay kala hadashey arrinka Coquelin dhigeeda reer England, ee Gunners-ka. [Cadena Ser – in Spanish]

Ugu dambeyn, weerar yahanka qaranka England iyo Tottenham, ee Harry Kane, oo 24-sano jir ah, ayaa sheegay inuu ku farax-san yahay inuu sii joogo kooxda, laakiin ay waajib tahay inay ku guuleystaan koobab si ay usii ceshadaan. [Star]

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close