Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Mustaqbalka Sanchez: Maxaa Ka Cusub Ku Biiristiisa Man Utd

Weerar yahanka kooxda kubada cagta Arsenal ee Sanchez, ayaa wuxuu yahay mid qarka u saaran inuu ku biiro Manchester United, waxaana la sheegayaa in wiilkaan uu heshiis lasii galay kooxdaan Old Trafford ku dheesha.

Maamulaha Arsenal ee Arsena Wenger ayaa wuxuu sheegay mar sii horeysay in wiilkiisa uu  yahay mid xaaladiisa la go’aamin doono 48-saac ee soo aadan, waxaana lagu wadaa inuu ka dago kooxda Red Devils.

Sidoo kale, macalinka Manchester United ee Jose Mourinho ayaa wuxuu tilmaamey inay soo dhaweyn doonaan hadii Sanchez uu go’aan sado inuu kusoo biiro Man United, ayna si aad ah ugu baahan yihiin.

Wargeyska Express Sport ee kasoo baxa wadanka UK ayaa qorey in Sanchez, heshiiska shaqsiga ah ee uu la galay uu yahay mid uu Isbuucii ku heli doono aduun dhan 350 Malyuun, oo mushaar ah, loona xiri doono Lamberka 7aad.

Ku biiristiisa Manchester United ayaa waxaa si weyn uga hadlay qaar kamid ah Halyeeyadii hore ee Man United, waxaana qaarkood ay yihiin kuwa soo dhaweeyay halka kuwa kale, aysan soo dhawayeen.

Dhinaca kale, warbaahinta UK, ayaa sheegeysa in kooxda Chelsea, ay kusoo biirtey ugaarsiga Sanchez, ayna dooneyso inay ka dulqaado labada Manchester saxiixa ciyaaryahankaan kasoo jeeda wadanka Chile.

Sikastaba, mustaqbalka Sanchez ayaa waxaa shaki la’aan ah inuu ku jiro mugdi badan, waxaana suura gal in saacadaha soo aadan ay wax walba ay dhacaan, iyadoona aad kala socon doonta Shabakada Laacib.so.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close