Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Shanta Horyaal Ee Yurub Ugu Weyn

Maalin wanaagsan, dhamaan saaxiibada ku taxan Shabakada wararka cayaaraha ee Laacib.so, waxaad kusoo dhawaataan wararkii ugu dambeeyey ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee Shanta horyaal ee Yurub ugu waa weyn:

Manchester City ayaa uga dalbatey Arsenal 20 Malyuun weerar yahankeeda 29-sano jirka ah ee Alexis Sanchez, waxaana la fahansan yahay in leysku afgartey in gooldhaliyahaan reer Chile, uu isbuucii qaato 250,00 Malyuun. [Guardian]

Arsena Wenger, ayaa udhaqaaqaya inuu kasoo bixiyo garabka duula ee Boca Juniors, 27 Malyuun, taasoo ah qiimaha lagu burburin karo 21-sano jirkaan reer Argentina, ee Cristian Pavon’s, uu imaan karo EPL. [TyC Sports]

Macalinka Real Madrid, ee Zinedine Zidane, ayaa sheegay in uusan ubaahneen saxiixyo cusub, oo uu helo suuqaan xagaaga, inkastoo ay ka hooseeyaa dhigeeda Barcelona 16 dhibcood, oo horyaalka La Liga. [Reuters]

Weerar yahanka Manchester United ee Zlatan Ibrahimovic ayaa wuxuu isaga tagi karaa Old Trafford ka hor inta uusan dhamaan xagaagan, iyadoona 36 sano jirkaan reer Sweden, uu ka dhacayo qandaraaskiisa fasal ciyaareedkan. [Yahoo Sport]

Everton, ayaa waxay ku dagaalameysaa dhigeeda Southampton, loolanka loogu jiro soo qaashadda xidiga Arsenal, ee Theo Walcott, kaasoo 28-sano jir ah, waxaana dooneysaa inay ku qarashgareyso 20 Malyuun. [Daily Mail]

Liverpool ama Arsenal, ayaa bixin doono ugu yaraan 90 Malyuun, si ay ula soo saxiixdaan weerar yahanka kooxda AS Monaco ee Thomas Lemar, kaasoo 22 sano jir ah. [Daily Mirror]

Garab duula ee qaranka Brazil, Lucas Moura, oo 25-sano jir ah, ayaa waxaa uu ogolaadey inuu Man United, uga yimaado Paris St-Germain, inkastoo labada kooxood aysan wali isku afgaran qiimahiisa. [Gazetta dello Sport – in Italian]

Ugu dambeyn, Arsenal, ayaa todobaadka soo aadan miiska wada hadalka la fariisan doonta Jack Wilshare, si go’aan looga gaaro mustaqbalka wiilkan 26-sano jirka ah ee khadka dhexe uga dheela England, xili Gunners-ka, ay rabtaa inay ceshato wiilkaan. [Daily Mirror]

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close