Wararkii ugu danbeeyey Suuqa Kala iibsiga Cayaartoyda

Wararka Subaxnimo ee Suuqa kala iibsiga cayaartoyda bisha Janunary waxaa maanta ugu waa weyn .

Barcelona Ayaa shaacisay In Si Rasmi ula Wareegtay Laacibkii Liverpool Philippe Coutinho ,Waxaana uu La Galay Hishiis Shan Sano Iyo Bar ah .
Hogaamiyaasha horyaalka La Liga Waxey Saxiixa Cayaaryahankan ku soo Qateen addun Lacageed Dhan £142m.

Coutinho ayaa u dhaliyay 54 gool kooxda Liverpool kadib 201 kulan uu cayaaray tan iyo markii Liverpool uu kaga soo biiray koooxda Inter Milan sanadkii 2013.

Cayaaryahanka Reer Algeria Riyad Mehraz ayaa maanta oo axadda ah tijaabada caafimaadka uu u marayo kooxda Liverpool.

Liverpool ayaa ka iibisay Philippe Coutinho kooxda Barcelona iyadoo siisatay adduun lacageed dhan 142 milyan oo gini.

Arturo Vida ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqi doono kooxda Chalsea, iyadoo Antonio Conte uu eeganayo inuu xoojiyo khadkiisa dhexe.

Waxaa la sheegay in Chelsea ay xiddiga reer Chile u bandhigtay afar sano oo heshiis ah oo xilli ciyaareedkiiba ku kacaya adduun dhan 13.5 milyan oo bound.

Arsenal ayaa ku dhaw saxiixa daafaca West Bromwich Albion Jonny Evans waxaana ay kula soo wareegi doonta lacag dhan £25m.

Arsene Wenger ayaa ku garaaci doono saxiixa daafacii hore ee kooxda Manchester United kooxda Manchester City oo iyada ku raad joogta .

Carlos Tevez ayaa markii sedaxaad ku biiray kooxdisii hore ee Boca Juniors kadib markii uu ka tagay kooxda ka ciyaarta Chinese Super League ee Shanghai Shenhua.

Tevez oo ahaa ciyaaryahanka ugu mushaaradka badan dunida ayaa hore ugu soo ciyaaray kooxdan Boca sanadahii 2001 -2005 iyo 2015 – 2017, waxaana uu u soo dhaliyay 63 gool kadib 169 kulan uu so cayaaray.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close