WARBIXIN: 5 Arrimood Oo Uu Yerry Mina Kusoo Jiitey Kooxda Barcelona Oo Lasoo Bandhigey

Barcelona ayaa kula soo saxiixatey aduun dhan 12 Malyuun oo Yuuroo Luulka cusub ee kubada cagta Colombia, kaasoo uga yimid kooxda Pameiras

Habada, waxaan halkaan hoose aan idin kugu soo gudbin doonaa Shan arrimood ama Tayo, oo uu leeyahay 23-sano jirkaan, kuna soo jiitey kooxda reer Catalan

Inuu Awood Ku Leeyahay Hawadda

Dhirisikiisa waxaa lagu sheegay 1.93m waxaana uu yahay mid awood u leh inuu ku dagaalamo marka weerar yahanada ay kubada cirka mareyso –  Ku darso, waa mid kamid ah daafacyadda ugu gooldhalinta badan kubada cagta Kuufurta Amerika.

In Iska Daafacid Wanaagsan Uu Sameeyo

Inkastoo uu yahay mid aad udheer, hadana wuxuu ku sameeyaa taabasho cajiib ah lugihiisa, waxaana uu culeyskiisa yahay 75 kgs sidoo kale, waa mid lugo dhaadheer leh, taasoo usahleysa inuu weerar yahanada qashqashaado in badan.

Inuu Farsamo Badan Yahay

Walow uu yahay daafac, hadana wuxuu awoodaa inuu ku xaroogo Banooniga xiliga uu wato, waxaana uu noqon karaa mid ku fiicnaa Barcelona

In Uusan Kaarar Badan Qaadan

Inuu bixiyo falcelino yar, ayaa la macno ah in Mina uu galo Khaladaad yar, waxaana uusan qaadan kaarar badan, isagoona kaliya Xirfadiisa oo dhan qaatey Hal Rooso, waana ciyaar dhacday 2013, oo ay la dheeleen Deportivo Pasto.

Inuu Dhalinyaro Yahay

Kaliya wuxuu hada jiraa 23-sano, wuxuu yahay mid usoo koroya kubada cagta Colombia, isagoona kasoo muuqan kara koobka aduunka, waxaana uu leeyahay mustaqbal wanaagsan oo waana ciyaar yahay amaan badan mudan.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close