WARBIXIN: Real Madrid Oo Qarka U Saaran Saxiixa Hazard Xili Ay La Xiriirtay Wakiiladiisa

Eden Hazard ayaa wuxuu xoogaa uu kusoo dhawaanayaa inuu kusoo biiro Real Madrid, sida laga soo xigtey Idacaadda Montecarlo, iyadoona Los Blancos ay xiriiro la sameysay dadyow badan oo ku hareereysan ciyaaryahanka Chelsea.

Waxaa xaqiiqo ah in ka hor howlgalkaan uu Hazard si aan caadi ahayn uu amaanay Zidane, islamarkaana uu qirtey inuu jeclaan lahaa inuu ka hoos shaqeeyo waana mid kamid ah waxyaabaha ku qasbey in Madrid ay ka hesho wiilkaan.

Idaaacddaan ku taala dalka Faransiiska, ayaa sheegtay in Hazard, uusan aqbalin labo dalab oo heshiis kordhin ah, kuwaasoo uu ku dheereynayo qandaraaskiisa dhacaya bilooyin kadib waxaana waayihiisa London, uu wajahayaa shaki

Hazard, oo uu ka dhacayo qandaraaska oo uu ku joogo Chelsea 2020 ayaa waxaa loosoo bandhigey labo jeer inuu cusbooneysiiyo, laakiin waxaa lasoo wariyay in wiilkaan uu codsadey in mushaarkiisa sare loo qaado ka hor inta uusan saxiixin

Waxaa jira warar sheegaya in wiilkaan uu dalbadey in laga dhigo ciyaaryahanka ugu mushaarka badan kuwa ka dheela Premier League, isagoona si gaar ah udalbadey in laga sareysiiyo Paul Pogba, oo hada United ka qaata 17.6 Malyuun.

Chelsea wali aysan ka jawaabin dalabka Hazard, laakiin waxay rabtaa inay ilaashato wiilkeeda, waxaana isana uu yahay mid aanan wali aqbalin heshiiska cusub, waxaana laga yaabaa inay sabab utahay inuu rabo aadista Real Madrid

Ciyaaryahan walba oo kubada cagta dheela, waxaa shaki la’aan ah inuu ku riyooda inuu udheelo kooxda dunida ugu wanagasan, marka Hazard, waxay badan tahay inuu labo midkood qaadi doono bixitaan ama joogis.

Aabihiisa oo mar sii horeysay ka hadlay xaalka wiilkiisa ayaa wuxuu dab kusii shidey arrinta wuxuu sheegay in hadii Hazard uu aado Los Blancos, uu si fiican uga soo muuqan karo, walaw uu qiray in hada uu Blues ku farax-san yahay.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close