WARBIXIN: Real Oo Wada Hadal Kula Jirta Macalinkii Bedali Lahaa Zidane – Waa Kuma?

Macalinka Real Madrid, ee Zinedine Zidane, ayaa waxaa ka dhacey waqtigii uu sii joogi lahaa Madrid, sida laga soo xigtey Website-ka Soy Madridsta.

Madaxweynaha Boqorada La Liga, ee Florentinio Perez, uu mar hore go’aansadey in uusan baaqi kusii ahaan Los Blancos, xili ciyaareedkan.

Badelkiisa ayaa waxaa mar hore lasii qorsheeay in laga dhigo macalinka xulka qaranka Germany ee Joachim Low, waxaa sidoo kale, jira inuu Miiska saaran yahay maamulaha Tottenham ee Mauricio Pochettino.

Image result for Joachim Low

Madrid ayaa waxay tahay mid xiriir la sameysay Low, waxaana usoconaya wada hadalo horumar badan laga gaarey, waxaana Agaasimayaasha Madrid ay yihiin kuwa rajo wanaagsan ka leh inuu aqbalo heshiiska uu Bernabeu, ku imaanayo.

Laakiin, waxaa jirta hal dhibaato taasoo ah in heshiiska uu Low ku joogo Germany inuu dhacayo sanadka 2020, wuxuuna dhacayaa kadib koobka aduunka 2018, iyadoona wax walba ay ku xirnaan doonaa xiriirka kubada cagta Jarmalka

Zidane ayaa wuxuu wajahayaa xaalad halis ah, waxaana sidoo kale, la sheegayaa inay isku dhaceen isaga iyo Madaxweynaha Real, waxaana keenay khilaafkaas sheekada ku aadan Goolhaye Kepa Arrizabalaga, oo uu Zidane diidey

Hadii wada hadalada Madrid iyo Low ay noqdaan kuwa guuleysta, waa la ceyrin doonaa Zidane, laakiin hadii aysan dhicin Los Blancos ayaa dhanka Mauricio Pochettino, uweycan doonta, kaasoo hada la heli karo.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close