WARBIXIN: Shan Caqabadood Oo Waa Weyn Oo Neymar Ku Sugeysa Kooxdiisa Cusub Ee PSG

In kastoo uu yahay xiddiga ugu qaalisan aduunka, waqti xaadirkaan haddana, waxaanan meesha ka marneen caqabddo waa weyn oo ciyaaryahankaan ku sugeysa kooxdiisa cusub ee PSG, halkaaso uu xaqiijiiyay shalay inuu aaday.

Laacibkaan ayaa waxaa lagu iibsaday aduun dhan 222 Malyuun, wuxuuna saxiixay shan sano oo qandaraas ah, isagoona loo xeray Maaliyadda Lamberka 10-aad, ee naadiga ka dhisan caasimadda dalka Faransiiska.

In Neymar lagu iibsaddo qiima intaas la eg ayaa waxay qudhiisa uga dhigan tahay inuu noqonayo xiddiga ugu qaalian aduunka, isagoona ka sara mari doono laacibiinta Pogba, Bale iyo Ronaldo.

Haddaba Shabakadda Wararka Ciyaaraha ee Laacib.so ayaa kusoo gudbinaya Shan caqabadood, oo ciyaaryahankaan ku sugeysa Naadiga PSG, islamarkaana looga baahan yahay inuu la tilaabo.

1: Inuu Booska Joogtadda Ah Uga Soo Dhalaallo Sida Uu U Yahay Xiddiga Ugu Qaalisan

Xilli uu yahay xiddiga ugu qaalisan aduunka, ayaa waxaa looga fiadhiyaa laacibkaan inuu bandhig fiican sameeyo islamarkaana uu kasoo dhalaallo booskiisa joogtadda ah ee xilli ciyaareedka cusub.

2: Inuu Soo Badhig Awoodiisa Ciyaareed Iyo Inuu Yahay Hogaamiye Sarre

Ma joogaan xiddigo waa weyn iyo kuwa aad uwanagsan oo kaga horeeya naadigaan, wuxuuna ubaahan yahay inuu isku tashaddo islamarkaana uu muujiyo awoodiisa ciyaareed.

3: Inuu Ku Guuleysto Horyaalka Faransiiska Ee Ligue 1

Iyadoo fasal ciyaareedkii lasoo dhaafay ay qaaday Horyaalka Faransiiska, naadiga As Monaco, ayaa waxaa haatan looga fadhiyaa Neymar inuu noqdo geesi usoo baxay Paris islamarkaana Koobab uqaadda.

4: Inuu Ku Guuleysto Ballon d’Or

Kadib sanaddo badan oo uu ahaa mid ku hoos nool Messi oo iska daldasha Abaalmarintana, waxaa looga fadhiyaa in Neymar, uu bilaabo loolan cusub oo ka dhan ah wiilkaan, islamarkaana uu kula tartamo Jaa’izadaan.

5: Inuu Qaado Koobka Champions League

Wuxuu horey ugala soo guuleystay Champions League, xiddigo yaqaana waa ay joogaan PSG, marka, waxaa ay ku guuleysan karaa Koobkaan xilli ciyaareedkan, waxaa sidaas leh Khabiiradda Ciyaaraha.

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close