WARBIXIN:Shan arimood oo aad ubaahan tahay inaad ka ogaato qorshaha tababaraha cusub ee Chelsea

Hiddink

Kooxda kubada cagta ee Chelsea ayaa tababare KMG ah umagacowday qabiirka kasoo jeeda dalka Holland, kaas oo sanadkii 2009.kii Chelsea ugacan geliyay koobka FA Cup-ka.

Tababaraha ayaa isku dayaya inuu kooxda ka bad baadiyo dhibaatada haysata xili ciyaareedkan, iyadoo uu isha ku hayo in kaalmaha hore uu Chelsea keeno.

Hadaba Warbaahinta ayaa ogaaneysa in shan arin oo uu damacasan yahay inuu sameeyo macalin Hiddink si uu kooxda ubad baadiyo.

1 – Inuu Chelsea ka dhiso Gudaha

Guus Hiddink ayaa isha ku haya inuu fursad siyo qaar kamid ah ciyaaryahanada keydka lagu hilmaamay ee Chelsea.

Wargeyska Daily Mail ayaa ogaanaya in macalinka reer Holland uu fursad siin doono 18 jirka qadka dhexe ee Loftus-Cheek, oo leh awood uu kooxda ku caawin karo.

Falcao – Tababaraha ayaa dhanka kale arka in wali aysan dhamaan awoodii ciyaaryahanka qaranka Colombia, kaas oo ku dhibtooday kubada cagta tan iyo dhaawacii soo gaaray 2014-kii.

Si kastaba, macalin Hiddink ayaa doonaya inuu ciyaarsiiyo xidigan si uu u arko awooda uu uleeyahay inuu kusoo laabto qaab ciyaareedkii uu lahaa.

Ruben Loftus-Cheek of England celebrates his goal

Hazard, Fabregas, Matic, Costa iyo Terry – Ciyaaryahanada ayaa ku jira qaab ciyaaareedkii ugu xumaa, hase ahaatee tababarahii hore ee qaranka Holland ayaa isha ku haya inuu ka samro qaarkood.

Hazard, Fabregas iyo Matic ayaa haysta fursad kasta oo ay kulan walba ku ciyaari karaan, hase ahaatee Costa ayaa la fahansan yahay inuu boos joogta ah ka heli doonin kooxdiisa, halka Cahill uu noqon karo cabsida kabtanka duqoobay ee Terry.

2-  Suuqa Kala Iibsiga – Vardy, Martinez iyo James

Milkiilaha Kooxda Chelsea ayaa isha ku haya inuu saxiixyo badan sameeyo bisha January si uu kooxda ucaawiyo.

Chelsea ayaa dooneysa iney bisha Janaayo soo qaadato xidiga hogaaminaya gooldhallinta Ingiriiska ee Vardy, halka ay sidoo kale xariir la sameeyeen Jackson Martinez oo katirsan kooxda Atletic Madrid.

Tababaraha Chelsea ayaa dhanka kale diyaar u ah inuu dalbado kubad sameeyaha kooxda Real Madrid James Rodgriguez oo xili xun ku qaadanaya Spain.

Hase ahaatee kooxdiisa Los Blancoz ayaa dooneysa iney James ku badalato ciyaaryahanka Chelsea Eden Hazard oo mudo bartilmaameed u ahaa.

Hadii Guus Hiddink uu helo ciyaaryahanadan, waxaa uu isha ku hayaa inuu wax badan ka badalo shaxda kooxda.

_87212596_vardy_getty

3- Ciyaaryahanada uu doonayo inuu iska fasaxo January

Hadii ay ciyaaryahano cusub imaanayaan Chelsea, waxaa albaabada loo furi doonaa ciyaaryahada kale ee kooxda kusugan.

Ciyaaryahanada ay Chelsea iska fasaxi doonto waxaa kamid ah Papy Djilobodji oo aan wali kooxda uciyaain horyaalka Ingiriiska.

Sidoo kale Oscar ayaa lala xariirinayaa Juventus inkastoo macalin Guus Hiddink uu doonayo inuu xilli ciyaareedkan sii haysto.

Dad badan ayaa saadaalinaya in Chelsea ay iska fasaxi doonto labo kamid ah sedexda weeraryahan ee ay haysato oo kala ah Costa, Remy iyo Falcao.

Wargeyska Metro ayaa sheegaya in Chelsea ay dooneyso in Atletic Madrid ay Martinez ama Griezmann kaga badalyo Costa.

Kooxaha Crstal Palace iyo Newcastel ayaa dhanka kale doonaya saxiixa weeraryahanka reer France ee Remy.

Costa-Hazard-Terry-Fabregas

4- Sida uu kusoo gali doono Garoomada Shaxda

Macalin Hiddink ayaa doonaya inuu ciyaaro qaab ciyaareed lamid ah kii macalin Jose Mourinho oo ah 4-3-3.

Taas ayaa ka dhigan iney kusoo wada bilaaban karaan, Hazard, Costa, William iyo Oscar ama Pedro, halka Fabregas iyo Matic ay qadka dhexe wada ciyaarayaan.

chelsea-jose-mourinho-guus-hiddink-sunderland-diego-costa-cesc-fabregas-eden-hazard-premier-league-628337

5- Halkee ayay Chelsea la doonayaan xili ciyaareedkan?

Kooxda kubada cagta ee Chelsea ayaa haatan horyaalka Ingiriiska kaga jirta kaalinta 15-aad, waxaana ay doonayaan iney guulo gaaraan.

Kaalinta afaraad ayaa bartilmaamed u ah macalin Guus Hiddink, waxaana ay taas ka dhigan tahay inuu ku qabsan yahay inuu badiyo ugu yaraan kulamada ugu badan ee harsan.

Man United oo ku jirta kaalinta afaraad ayaana Chelsea ka sareysa 11-dhicbood iyadoo CHELSEA ay ku kalsoon tahay iney dhibcahaas soo bar bareyn doonto.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close