Wasiirada Wasaarada dhalinyada iyo Cayaaraha Khadiija Diiriye”Dowlada Soomaaliya ayaa Mas.uul ka ah Cayaaraha Maamul Goboleedyada dalka mana jirto cid kale oo sheegan karaysa

Wasiirada Wasaarada dhalinyada iyo Cayaaraha Khadiija Maxamed Diiriye oo ka qayb gashay Xafladii isku aadka loogu Samaynayey koobka kubada Cagta maamul Goboleedyada dalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Cayaarahaas ay mas uul ka tahay Wasaarada Cayaaraha Soomaaliya isla Markaana aysan jirin cid kale oo sheegan karaysa.

Marwo Khadiijo diiriye”Waxaan doonayaa in aan cadeeyo in mas uuliyada Cayaaraha kubada Cagta maamul Goboleedyada ee furmi doona 7 da bishaan ay mas.uul katahay Wasaarada Cayaaraha Soomaaliya dhanka farsamadana ay ka caawin doonaan Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta mana jirto ayey tiri cid kale oo sheegan karaysa Mas uuliyada Cayaarahaas.

Hadalka ka soo yeeray Marwo Khadiija Maxamed diiriye ayaa u muuqda mid ay kula hadaleyso Gudiga Olombikada Gobolka Banaadir oo berayahaan Saxaafada u sheegayey in ay iyagu maamuli doonaan Cayaaraha maamul Goboleedyada dalka Soomaaliya ee muqdisho lagu qaban doono.

 

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also

Close
Close