Wax Ka Ogow Rikooradda Ay Sameyn Doonto Real Hadii Ay Caawa Guul Ka Gaarto Atlético

Kooxaha Kawada dheela magaalada Madrid ee wadanka Spain aadna ugu xifaal tama magaaladaas ayaa waxa ay caawa mar kale isku arki doonan Lugta Labaad ee Darajadda afar dhamaadka Dhaga-weyn.

Madrid Tababaraheeda Zinedine Zidane ayaa waxa uu umuuqdaa mid sameyn doona Tariikh cusub oo kusoo korodha Real, marka la eego bandhiga uu ka sameynayo Magaladda Madrid kooxda ka dhisan.

Halkaan waxaan kugu soo gudbin doonaan qaar kamid ah Rikoorada aan la sameyn balse ku dhow in ay sameyso Camaaliqadda wadanka Spain, kooxda ugu koobabka badan Qaaradda Yurub ee Real Madrid.

60 Kulan Oo Isku Xigga Oo Ugu Yaraan Mid Kasta Ay Dhalisay Hal Gool

Ninka kasoo jeda wadanka Faransiiska ayaa waxa uu kooxdaan Hogaamiyay 82 kulan ciyaareed, waxa uuna goolal la’aan garoonka ka baxay seddex kamid ah, taasi oo ka dhigan In uu shaqo fiican qabtay.

Kalliya xilli ciyaareedkii hore kulan ay la dheeleen kooxda Manchester City Tartankaan wareegiisa Sami-final-ka, ayaa waxa ay ku guul daresyteen in ay shaqaba soo taabtaan iyo kulankii ay Arbacada la dheeleen Atletico.

Hadaba arintaan ayaa waxa ay ka dhigan tahay in uu bareejeen doono Macalinkii hore ee Naadiga xaqiijisay in ay ku guuleysatay Horyaalka Jarmalka ee Bayer ninka lagu magacabo Jupp Heynckes iyo Pep Guardiola 61 oo sameeyay.

Kooxdii ugu horeysay ee badisa dhamaan kulumada Darajada Isreereebka

Real ayaa dooneysa in ay noqoto kooxdii ugu horeysay ee badisa dhamaan kulumada laga dheello Wareega Buk Baxa, kuwaas oo ah lix kulan, iyadoo haatan guul qaadatay shan kamid ah, oo uu uharsan yahay midkaan caawa.

Goolashii 76 Ee Lagu Dhaliyo Guriga

Cel celisa ahaan 3.04 goolal ayey dhalisay kulan kasta kooxda Real Madrid taas oo ay xilli ciyaareedkii 2014/15 ay ku garaacday Barcelona kadib markii ay shabaqa geysay ama soo taabsiisay 75 gool.

 

15 Kulan Oo Ka Tirsan Champions League Oo Guul Daro La’aan Ah

Kalliya guul daradii ugu dambeysay oo Real kasoo gaarto Champions Leagu ayaa waxa ay dhacday April 6, 2016-kii, ciyaar ay la dheeshay kooxda reer Germany ee Wolfsburg, waxaana loogu awood sheegtay (2-0).

Tan iyo wixii intaas ka dambeeyay kooxda uu hogaamiyo Tababare Zidane ayaa waxa ay gaartay guulal 11 ah iyo bar barooyin afar ah, waxa ayna taasi ka dhigan tahay in caawa ay intaas kasii wadi doonto.

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

Abdi Rahman Adani

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close