Wax ka Ogow Xidigaha Horyaalka heerka koowad ee dalka Soomaaliya sida ay u taageeraan Maamul Goboleedyada Dalka

Tartanka koobka goboleedyada dalka ayaa Jimcaha firrimbigiisa laga afuufi doonaa garoonka Benaadir ee Muqdisho, dadka ayaa ku kala qeybsan qaabka daawashada iyo taageerridda maamullada, waa markii labaad oo tartankan la cayaarayo isagoo wata magaca maamul goboleed, iyadoo la fullinayo hab dhis siyaasadeedka Federaal oo uu dalka qaatay, qofba iyo dookhiisa, cayaariyahan iyo gobolkiisa, waxa aan idin soo gudbin doonnaa warbixin dheer oo ka hadleysa xiddigaha dalkeenna iyo maamullada ay taageerrayaan marka uu biloodo tartanka maamul gobolleedka dalka, waxaana aynu ku saleyn doonna xog wareysi aan dhammaantood la yeellanay xiddigaha aan kusoo qaadanneyno qormadan.

Waxaa jiro xidigo ka soo ifbaxay Gobolgooda waxaana kamid ah Deeq Cabdilaahi Nuur (Aaryo) uu u soo cayaaray Jubaland.

Sanadkii la soo dhaafay Tartanka Maamul Goboleedyada waxaa ku guuleystay Maamul Goboleedka Puntland.
Waxaan eege doona xidigha sida ay u taageersan yihiin Maamul Goboleedyada Dalka.

CabdiKariin Qubaaye waa laacib ka tirsan Kooxda Dekedda sanadkan wuxu u sacab tumi doona Gobolka Benaadir.

Deeq C/laahi Nuur Aaryo waa laacibka kooxda Banadir Sports Club wuxuu sanadkan taageeraya Maamul Goboleedka Jubaland.

C/Casiis Catoosh waa laacibka kooxda Heegan sanadkan wuxuu taageersan yahay Gobolka Benaadir.

Xasan Cabdi Nuur Geesey (Xaasasi) waa xidiga kooxda kubadda cagta Horseed wuxuu sanadkan aad u badinaya daawashada Galmudug.

Axmed Xasan Ciyow(Macaani) waa laacibka ka tirsan kooxda Heegan Wuxuu sanadkan taageersan yahay Gobolka Benaadir.

Daadir Aaamin Cali(Daada) waa kabtanka kooxda Banadir Sports Club wuxuu sanadkan u qeelo dhaamin doona Gobolka benaadir.

Ibraahim Alosh wuxuu kamid yahay xidigeehe sanadkii hore matalayay gobolka Benaadir balse hada wuxuu ka tirsan yahay kooxda Cawo iyo Maalin ee Horseed wuxuuna sanadkan taageersan yahay Gobolka Benaadir.

Maxamuud Cabdi Nuur (Mayman) Wuxuu qeyb ka yahay xidigaha kooxda kubadda cagta Elman wuxuna sanadkan alalaaska u tumaya Maamul Goboleedka Koonfor galbeed.

Cabaas Aamiin Maxamed waa hogaamiyaha kooxda Dekdda wuxu sanadkan Indhihiisa hayaan Gobolka Benaadir.

W/Q: Cabdifitaax nani

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close