Wax -walba ka ogow arimaha doonista Man City ee Alex Sanchez

Kooxda Arsenal ayaa doonaya in la iska fasaxo laacibka  Alex Sanchez inkastoo uu xidigaan kulamadii ugu dambeeyay uu guul uhorseeday kooxda.

Sanchez ayaa si weyn saamayn ugu lahaa garoonka  Emirates tan iyo markii uu kooxda kaga soo biiray Barcelona xagaagii 2014 isaga oo kooxda ugu yimid 32 milyan oo euro.

Xilli uu Naadiga  u dhaliyay 80 gool 163 kulan oo uu u cayaaray  Alex Sanchez ayaa Arsenal ka caawiyay ku guulaysiga 2 koob oo FA Cup ah halka uu sidoo kale xiddiga ugu fiican ku guulaystay laba jeer.

Laakiin jacaylkii Looga qabay magalada  London ayaa sii dhimanaya kadib markii uu diiday in uu kooxda heshiis cusub u saxiixo xilli uu heshiiska haatan dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

29 jirkan ayaa xagaagii ku dhawaaday in uu ku biiro kooxda Man city ka hor inta uuna heshiisku bur-burin markii ay arsenal wayday badalkiisii.

Xiddiga  dalka chile ayaa kulankii ay Arsenal bar-baraha la gashay southampton ku kacay talaabo ka xanaajisay xiddigaha kooxda

Laakiin goolashiisii ayaa muran kale dhaliyay akdib markii xiddigo dhawr ah ay diideen in ay la dabaal degaan xiddig dalka  chile.

Sikataba in xidigaha kooxda Arsenal qaarkood ay san la dabaal dagin xidigaan taas ayaa cadeen u ah in kooxda uu ka tagi karo kooxda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close