LIVE: TOOS U DAAWO Kulanka Arsenal Vs West Ham United

Laacib.so: Labada Ciyaaryahan ee James Collins iyo Sam Byram ayaa ah ciyaartoyda ka maqnaan doona qaab dhaawac ah, West Ham tababaraheeda Slaven Bilic ayaa heysta koox buuxda oo laga yaabo in kulankaan guul ka gaarto.

Dhanka Ganaax waxaa ku maqan Cheikhou Kouyate oo casaan qaatay kulankii 2-2 ay la galeen Crystal Palace, halka Mark Noble shaki uu qabo in uu ka maqnaado.

Cayaaryahanka Enner Valencia ayaa laga yaabaa inuu bedelo Emmanuel Emenike ,iyadoo uu yahay isbedelka kaliya ee la sameyn karo macquulna ah.

Cayaaryahanada kala ah Santi Cazorla, Alex Oxlade Chamberlain, Mikel Arteta, Aaron Ramsey, Mathieu Flamini, Jack Wilshere iyo Tomas Rosicky ayaa dhamaan dhaawac ah waana sababta loo maleynayo in kulankaani uu caqabad ku noqdo Arsenal.

Gool hayaha Kooxda Arsenal Petr Cech ayaa ka soo kabsaday dhaawac, waxaana la filayaa inuu ku soo bilowdo, iyadoo xiddiga da’da yar ee Alex Iwobi uu kusoo bilaaban doono kulankii saddexaad oo toos ah Premier League-ga.

Shaxda Macquulka Ah ee ARSENAL:-

Kooxda Arsenal Line-up (4-2-3-1) Cech – Monreal, Koscielny, Gabriel, Bellerin – Coquelin, Elneny – Iwobi, Alexis, Ozil – Welbeck.

Shaxda Macquulka Ah ee WEST HAM UNITED:

Kooxda West Ham line-up (4-2-3-1) Adrian – Antonio, Cresswell, Reid, Ogbonna – Kouyate, Noble – Payet, Lanzini, Valencia – Sakho.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close