Wax walba oo aad uga baahan tahay kulanka u dhexeeyo Kooxaha Gaadiidka iyo Horseed

Gaadiidka ayaa soo dhawanaysa dhigeeda Horseed waxayna wada dheelidoonaan kulan cayaareedkii 18-aad horyaalka Soomalia Premier League xili cayaareedka 2017-2018

Xidigaha Gaadiidka kulan ugu dambeeyay horyaalka waxa ay guul daro 2-0 kala kulmeydn dhigeeda Jeenyo, Gaadiidka waxa ay fadhisaa booska 8-aad ee kala sareynta horyaalka iyadoo leh 2-dhibcood

Naadiga Horseed kulan cayaareedkii ugu dambeeyay horyaalka waxa ay 5-1 ku dharbaaxeyn xidigaha Batroolka waxaana kulankaas saddexlaydii ugu horeesay ama akoonkiisa goolasha furtayn xidigii hore L.L.P Jeenyo Xasan Cabdi Nuur Geesey (Xasaasi),Horseed waxa ay xaadir ku yihiin kaalinta 3-aad ee kala sareynta horyaalka Somali Premier League waxayna lee dahay 7-dhibcood

Xaqiiqooyinka Kulanka Ka Hor
-Hogaamiyaasha labada koox ee kala ah C/Raxmaan Taree iyo Cumar C/Naasir Caruus ayaa horay ugu soo wada shaqeeyay naadiga Banaadir SC sanad cayaareedkii 2013-2014 waxaana kolkaas Banaadir SC horyaalka Soomaliya guul daro ugu qaaday tababarihii hore kooxaha Dekedda,Banaadir SC,Waxool C/Naasir Cumar Caruus macalin Taree ayaa kasoo shaqeeyay Cumar Caruus

-Gool haye Xasan C/llahi Karaam oo ah goolayaha naadiga Horseed ayaa kusoo bilaawday saddexdii kulan ugu horeesay wuxuuna iska ilaaliyay in shabaqiisa laga dhaliyay wax ka badan 2-gool,isagoo kabtan kooxda Banaadir SC ka badbaadiyay gool ku laad Kulankii ay labada koox ku kala baxeyn barbaro

-Bile Muxidiin Buraale oo horay kabatn ugu soo noqday naadiga Saxafi FC una soo cayaaray kooxaha Dekedda iyo Heegan ayaa Horseed ka hortagaya,isagoo xeran maaliyada u tabaarka ee Gaadiidka

-kubbadd sameeyaha Horseed Xasan Cabdi Nuur Xasaasi ayaa Gaadiidka ka hortagaya,isagoo xeran maaliyada naadigiisa Horseed waxaana laacibkan la xasuusta labadii sano lasoo dhaafay intii ku sugnaa kooxdiisii hore L.L.P Jeenyo in goolal ka dhaliyay Gaadiidka

Is Aragii Ugu Dambeeeyay Labada Koox
30/03/2017   Horseed  2:1 Gaadiidka
14/02/2017  Gaadiidka 1:1 Horseed
13/04/2016  Gaadiidka 0:0 Horseed
27/01/2016  Horseed    0:2   Gaadiidka
09/04/2015  Horseed    1:3   Gaadiidka
15/01/2015  Gaadiidka  0:1 Horseed
14/01/2014 Gaadiidka   2:2  Horseed

Ogeysiiska Kulanka
Tartanka:-Horyaalka Somali Premier League
Kulankii-18-aad:-Gaadiidka VS Horseed
Tariikhda:-14-02-2018
Maalinta:-Arbaco
Garoonka:-Banaadir Stadium (Degmada C/Casiis)

W\Q:Maxamed Xuseen Qalinle

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close