Wax Waliba Oo Aad Kaga Baahan Tahay Kulanka Barcelona Vs Las Palmas

Waxaa mar kale dib ubilaaban doona Loolankii Horyaalka La Liga kadib markii toddobaadkan la dheelay tartanka Horyaaladda Yurub Champions League, kooxana laga reebay kawa kalena soo baxeen.

Horyaalka Spain waxa uu kamid yahay Horyaaladda ugu waa weyn ee Qaarada yurub, waxa uuna kamid yahay kuwa aan wali la xaqiijin cidda ku guuleysaneysa Iyadoo la xaqiijiyay PL iyo midka Jarmalka.

Barcelona ayaa waxa ay mar kale tijaabin doontaa Nasiinkeeda xilli ay caawa la dheelyso Kooxda Las Palmas ee wadanka Spain, kana mid ah Naadiyadda dhawaan galka ah ee kusoo biiray Horyaalka La Liga.

Kulumadii Ay Wada Dheeleen

Guud ahaan Kooxaha Barcelona iyo Las Palmas ayaa waxa ay kulmeen 71 jeer, 43 kamid ah waxaa guusha qaadatay Naadiga ka imaata Gobolka Catalan-ka ee wadanka Spain.

Kulankii ugu dambeeyay oo ay wada dheelaan labadaan kooxood ayaa waxa uu kusoo dhamaaday 2-1, iyadoona goolasha ay kaga mahadcelineysa Suarez and Neymar

Wararka Kooxda – Barcelona

Luis Enrique ayaa waxa uu haystaa koox dhameystiran oo ka hortagta Las Palmas, waxa uuna ugu yaraan rajeyn karaa in uu afka ciida ugiliyo kooxdan, maadama ay awood ahaa ka sareeyaan.

Wararka Kooxda – Las Palmas

Si ka duwan dhankiisa, Quique Setien ayaa nan haysan koox taam ah waxaana ka maqan Araujo, Pedro Bigas iyo Hernan Santana, oo dhamaan tooda dhaawac ku seegaya kulankaan.

Dani Castellano, xiddiga la yiraahdo ayaa shaki laga gillinayaan in uu ka qeybgallo kulankan waxaana la siin doonaa nasiio dheer ah maadaama uu dhawaan kasoo laabtay Dhawaac.

Xaqiiqooyinka Kulanka

Barcelona ayaa guul gaareysay 15 kamid ah 17-kii kulan ee ugu dameeyay oo ay Camp Nou ku marti qaado Las Palmas, iyadoona labadda kulan soo hartayna la gashay bareejo ama Bar Baro.

Canary, Macalinka Kooxda Las Palmas ayaa waxa uu bar baro galay 2 kamid ah afarkii kulan ee ugu dambeysay oo uu booqdo Camp Nou, labada kulan waxa ay kusoo dhamaadeen 1-1, waxa ayna kala dhaceen 2002 iyo 1988.

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

Abdi Rahman Adani

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close