Kooxda Gaadiidka oo guul ka gaartay Naadiga…

Laacib.so: Waxaa kulan ka tirsan horyaalka Soomaaliya galabta lagu ciyaaray Magaalada Muqdisho gaar ahaan garoonka kubadda cagta ee Banadir Stadium ee degmada C/casiis waxaana garoonkaasi u soo daawasho tagay dad ku dhow dhowr kun oo qof waxaana kulanka uu ahaa mid xiiso badan oo ay dhexmaraysay kooxaha Gaadiidka FC iyo Waxool oo kawada tirsan horyaalka Heerka koowaad ee Dalkeena Soomaaliya.

Ciyaarta Qeybteedii hore waxa ay ku soo idlaatay 2-0 waxaana hogaamineeysay Kooxda Gaadiidka waxeyna labadaasi gool uga mahad celiyeen ciyaartooyda kala ah : Xuseen Yuusuf Dabaaso Numberka 7-aad ee Kooxda Gaadiidka waxaana ciyaaryahanka Dabaaso u noqotay mid uu ka muuqday garoonka Koonis, waxaana u suurtagashay in ciyaaryahan dabaaso uu goolal kale sigay in uu dhaliyo balse labadaas gool uu galabta qeybtii hore dhaliyay.

WaxoolFC vs GaadiidkaFC

Kadib markii dib la isugu soo laabtay ciyaarta qeybteedii dambe wax isbadal ah ma sameyn naadiga Waxool FC oo aad moodo galabta garoonka in aysan ciyaar fiican ku soo bandhigin, waxaana isla markiiba gool aad u qurux badan oo cirib ah ka dhaliyay Naadiga waxool wuxuuna goolkaasi noqday goolka ugu qurux badanaa ee galabta laga dhaliyo garoonka Banadir Stadium ee degmada C/casiis waxaana dhaliyay goolkaasi aadka u quruxda badanaa Ciyaaryahan u dhashay wadanka Nigeria waxaana lagu magacaaba Oliver , Numberka 13-aad ayuuna u sitaa Kooxda Gaadiidka FC.

Ugu dambeyntii Ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 4-0 waxaana goolka 4-aad dhaliyay ciyaaryahanka Ajnabiga ah ee Salinga Motea, Dr Kongo ayuuna u dhashay ciyaaryahankaan dhaliyay Goolkii 4-aad waxeyna sidaan Kooxda Gaadiidka ku heshay 3-dii dhibcood ee ciyaartii galabta ay guushu ku gaartay, natiijo ahaan waxaa Naadiga Gaadiidka ay galabta galeen kaalinta 6-aad waxeyna leeyihiin 9-Dhibcood 7-dii kulan ay ciyaareen halka naadiga kale ee waxool FC ay ku jiraan kaalinta 2-aad waxeyna leeyihiin 3-Dhibcood.

Dhanka Gool dhalinta Hadii aan dib u fiirino

Kenyan Player Marcell 9-Gool ayuu dhaliyay wuxuuna u ciyaaraa naadiga Banadir Sports Club, halka Niyaz Ronaldo oo u ciyaara asigana Kooxda Elman FC wuxuuna leeyahay 7-Gool horyaalka Haatan ka socda Magaalada Muqdisho.

LASOCO Marwalba Horyaalka Dalkaaga Soomaaliya kalana soco. 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close