Home » Africa » Waxwalba oo aad uga baahan tahay kulanka Banadir Sports Club iyo Heegan Maxaa ka cusub?

Waxwalba oo aad uga baahan tahay kulanka Banadir Sports Club iyo Heegan Maxaa ka cusub?

LAACIB.SO : Waxa si xiiso badan uga socda garoomada Banadir Stadium iyo Garoonka Jaamacadaha kulamo ka tirsan horyaalka Dalkeena Soomaaliya kooxda Banaadir SC ayaa la ciyaareeysa galabta kooxda Heegan FC,ciyaar xiiso badan oo ay ku ciyaarayaan Garoonka jaamacadaha degmada Hodan.

Dhanka kulamadii ugu dambeeyey ay ciyaartay Naadiga Banadir Sports Club waxa ay guul daro kala kulantay dhigeeda Elman ciyaar dhexmartay 24-03-2017, waxaana Baanadir SC loogaga badiyay 1-0, Banaadir SC waa kooxda hogaamineeysa horyaalka haatan socda waxeyna leedahay 24-Dhibcood iyo Kaalinta 1-aad.

Dhanka Heegan FC kulamadii ugu dambeeysay Macalin Axmed Gidaamow oo leylinaya Kooxda Heegan FC kulankii ugu dambeeyay wey ka badiyeen dhigeeda Jeenyo ciyaar dhexmartay 23-03-2017, xili kulankaas ku dhamaaday 4-3 oo ay guusha raacday kooxda Heegan FC waxaana xusid mudan kulankaas laga badiyay Jeenyo kadib in ay joojiyeen ciyaaraha ka qeyb galkooda horyaalka Soomaaliya iyadoo kulanka galabta ay la ciyaari lahaayeen Dekadda iyo Jeenyo laga cabsi qabo in kulankaasi uu baaqdo.

Lasoco wixii kusoo kordha arinta LLPP Jeenyo iyo Natiijada Banadir Sports Club iyo Heegan ee Galabta wada ciyaari doonaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*