Wenger Oo Ka Hadlay Hadii 3 Xidig Oo Muhiim U Ah Arsenal La Iibin Doono Bisha Janaayo

Macalinka kooxda kubada cagta Arsenal ee Arsena Wenger, ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in sadex kamid ah, xidigaha ugu muhiimsan kooxdiisa, aanan la iibin doonin bisha Janaayo, xili la sheegayo inay tagayaan

Sadexdaan ciyaaryahan oo uu ka hadlayo Wenger ayaa kala ah:- Weerar yahanka Faransiiska ah ee Olivier Giroud, xidiga khadka dhexe kaga dheela England ee Jack Wilshere iyo Garabka duula ee Gunners-ka, Theo Walcott.

Wuxuu sheegay Wenger, in sadexdaan laacib aysan meelna uga dhaqaaqi doonin kooxdooda bisha Janaayo, wuxuuna sheegayaa in iyaga ay doonayaa inay baxaan, balse taasi aysan iyaga aqbali doonin, sheekadaas.

Wuxuu yiri, xili uu maanta la hadlayay wariyaasha: “Midkoodna sadexdaan xidig, kama aqbali doono, inay baxaan, wallow ay xiiseynayaa inay bixitaan, hadana, waxaa naga go’an inaan kusii celino halkaan, waana sii haysan doonaa.

Wuxuu raaciyay: “Waan ogahay in Wilshare uu doonayo koobka aduuka 2018, in Giroud iyo Walcott, ay doonayaa boos joogta ah, waana ay heli doonaa, waxaana haatan ay yihiin kuwa in badan samray, waana uga mahacelinayaa.

Ugu dambeyn, tababaraha Arsenal ee Arsena Wenger ayaa waxa uu cadeeyay mar kale, in Alexis Sanchez, Aaron Ramsey, Mesut Ozil iyo Petr Cech, oo ay ka dhacayaa qandaraaska dhawaan, aysan meelna aadi doonin.

Tags

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

Abdi Rahman Adani is a football reporter with Laacib.so. A sensational writer, political critic, prolific editor, published author and editorial consultant. He writes on a wide range of subjects: sports, law, politics, public affairs, and human rights. And based in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close