Wenger Oo Ka Waramey Hadii Sanchez Oo Kusii Dhawaanayo Inuu Bishaan Ka Tago Arsenal

Macalinka Arsenal, ee Arsena Wenger, ayaa wuxuu sheegayaa in aysan jirin ku dhowaansho ku aadan in weerar yahankiisa Alexis Sanchez, uu ka tago Gunners-ka xili lala xiriirinayo kooxda Manchester City ee wadanka UK.

Warar ayaa waxay sheegayaan 29-sano jirkaan reer Chile, in dhan 30 Malyuun ay kasoo gudbisey Sky Blues, islamarkaana ay dhici doonto bixitaankiisa bishaan Janaayo, laakiin Wenger ayaa gaashaanka ku dhuftey.

Isagoo uwarameyey warbaahinta ka hor kulanka ay Arbacada la balansan yihiin dhigooda Chelsea, kaasoo ka tirsan Afar dhamaadka League Cup-ka ayaa wuxuu sheegay Wenger, in laacibkaan uusan wali helin wax dalab ah.

Mar la weydiiyay hadii uu rajeynayo inuu baxo Sanchez iyo hadii uu wiilkaan dalab ka helay City ayaa wuxuu ku jawaabey Wenger: “Ma rajeynayo waxba, waxaan kaliya aan diirada saari doonaa kulanka Berri.

Sikastaba, Sanchez, oo uu ka dhacayo qandaraaska uu ku joogo kooxda kubada cagta Arsenal, dhamaadka xagaagan ayaa la hadalhayaa inuu qorsheenayo inuu ka tago Emirates, isalmarkaana uusan baaqi kusii ahaan doonin sanadkaan.

Laakiin, macalinka Arsenal, ayaa wuxuu ku celceliyay marar badan in Sanchez, uusan meelna uga dhaqaaqi doonin kooxdiisa, islamarkaana uu noqon doono mid baaqi kusii ahaada inta ka dhiman xagaagan kadib la arki doono waxa dhaca.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close