Wenger Oo Ka Warbixiyey Xaalada Dhaawac Ee Kooxdiisa Ka Hor Kulanka EPL Ee Bournemouth

Maamulahaan dalka Faransiiska kasoo jeeda ayaa wuxuu sameeyay isbedalo badan kulankii Bareejada 0-0 oo ay la galeen Chelsea, kaasoo ka tirsanaa League Cup-ka, islamarkaana dhacay maalintii Arbacada ee todobaadkan.

Kulankaan ayaa waxaa Arsenal aanan garoonka usoo gelin laacibkeeda wadanka Jarmalka kasoo jeeda ee lagu magacaabo Mesut Ozil, sababo dhaawac, waxaana Wenger uu ka warbixiyay xaalada dhamaan xidigaha ka dhaawac Gunners-ka

Isagoo ka hadlaya arimahaan iyo kuwa kale ayaa wuxuu yiri: “Waxaan helnay war wanaagsan, oo ku saabsan Wilshare, waxaan aragnay isagoo soconaya, mana ahan mid maqnaan doona kulanka Axadda [oo aan la dheeleyno Bournemouth]

Wuxuu intaas ku darey: “Waxaan sidoo kale, kusoo laabtey xidigaheena [Aaron] Ramsey, Ozil wuxuu mari doonaa Tijaabo, waana mid 50/50 ah.

“[Sead] Kolasinac wuxuu haystaa xoogaa fursad ah si uu diyaar unoqdo, kulanka Axadda, waxaana arki doonaa sida ay noqoto xaaladiisa,” ayuu sii daba dhigey Arsena Wenger, macalinka Arsenal

Dhanka kale, Wenger oo si gaar ah uga Hadley xaalada Olivier Giroud iyo Jack Wilshere, ayaa wuxuu sheegay: “Giroud wuxuu maqnaan doonaa labo Isbuuc, Wilshare dhawaan ayaan heli doonaa.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close