Wenger Oo Qiray In Sanchez Uu Ka Socdo Arsenal, Xilli Uu Farta Ku Fiiqay Kooxda Uu Aadi Doono

Macalinka Arsenal, ee Arsene Wenger, ayaa usheegay Majalada Daily Star, oo kasoo baxda dalka Ingiriiska in wiilkiisa lagu magacaabo Alexis Sanchez, uu yahay mid boorsooyinkii ka xerxeraanaya naadiga uu maamulaha ka yahay.

Wuxuu qiray in  Sanchez, uu qarka usaaran yahay inuu udhaqaaqo dhankaa iyo Manchester City, isagoona sheegay in hadii aysan xaaladiisa sidaan wax iska bedalin doo bixi dooono.

Ciyaarahankaan ayaa wuxuu haatan kaga maqan dhaawac dhanka Caloosha ah, isagoona la rajeynayo inuu soo laabto laba toddobaad kadib, wuxuuna kamid ah aheyn safka dheeli doona maalinka Berito ah.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Chile, ayaa waxaa si waadix ah usheegay inuu doonayo inuu macsalaameeyo Naadigaan, bacdamaa aysan ka qeyb galeen Koobka Champions League, xilli ciyaareedka cusub.

Abdi Rahman Adani

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close