Wenger Oo Si Lama Filaan Ah Uga Jawaabay Hadii Sanchez Uu Ku Fikirayo Inuu Aado Man City

Arsène Wenger, ayaa wuxuu ku tilmaamay Madaxweynaha su’aalaha sheekooyinka ku saabsan mustaqbalka Alexis Sánchez, iyadoona weerar yahankaan reer Chile, la sheegayo inuu ku biirayo Manchester City.

Alexis oo la fahansan yahay inuu qorsheenayo inuu ku biiro hogaamiyaasha Premier League, halkaas uu joogo macalinkiisii hore ee Barcelona, Pep Guardiola, ayaa waxaa hada muuqata inuu Janaayo halkaas rabo.

Sikastaba, Arsenal ayaa umuuqata dhankeeda mid aad ugu gacan adeegeysa in Sanchez ay ka iibsio Janaayo, dhigeeda Manchester City, iyadoona aanan hada hayan bedelka wiilkaan reer Chile.

Warar madax banaan ayaa waxay sheegayeen todobaadkan uu 29-sano jirkaan uu go’aan saday inuu aado marka uu furmo suuqa Janaayo garoonka Etihad Stadium, xili qandaraaskiisa Gunners-ka, uu dhacayo dhamadka xagaagan

Majalada The Guardian, ayaa sheegeysa in Sanchez, uu qolka labiska kadib guushii 1-0 oo ay ka gaareen Burnley, uu buuq sameeyay, xili Thierry Henry uu tilmamaay in Dabaaldegiisa kulankaas uu ahaa fariin bixitaan muujineysay.

Wenger oo Dheeshii West Brom, hogaamiyay Arsenal kulankii 811aad oo kulamada EPL islamarkaana noqday macalinkii ugu horeeyay ee heerkaas kadib Si Alex Ferguson ayaa wuxuu ka hadlay sheekooyinka Sanchez.

Wuxuu cadeeyay ninkaan wadanka Faransiiska udhashay, in uusan ogeen ficilka uu sameyn doono wiilkaan, inkastoo uu ku eedeeyay warbaahinta inay buun-buuniso sheekooyinka dhibaatada abuuraya.

Wuxuu yiri: “Marka uu ciyaaryahanku si fiican udheeo, waa dhibaato – Marka uusan si wacan udheelin waa dhibaato – Taasi waa mid aan macquul ahayn, waxaa xukmineysaa hadii ciyaaryahanka uu si fiican udheelo iyo in kale.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray: “Waxaa ka hadleysaa arimahaas oo dhanka kadib ciyaarta – Aniga ma ahi qof ku bartay [Cilmul Nasiga], marka ma ogaan karo waxa ku jir Madaxdiisa, hadii uu baxyo iyo in kale.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close