Wenger Oo Xidig Ka Tirsan Chelsea Weerar Afka Ah Ku Qaadey Intii Ay Socotey Ciyaartii Xalay

Maamulaha Arsenal ee Arsena Wenger ayaa waxaa la fahansan yahay in uusan la dhicin ficilo uu xalay ka sameynayey garoonka laacibka Chelsea ee Alvaro Morata, intii ay socotey ciyaartii kusoo dhamaatey 0-0.

Kulankii ay wada dheeleen labadaan kooxood uu ka tirsanaa Lugta koowaad ee tartanka League Cup-ka ayaa wuxuu ka dhacayey garoonka Chelsea ee Stamford Bridge, waxaana Wenger uu ahaa mid Tarbuunka ka dhaawanayey.

Sababta uu Wenger Tarbuunka uga dhaawaneyey ciyaartaan ayaa waxaa lagu macneeyey iney tahay mid kadib markii uu ku xadgudbey Garsooraha kulankii ay kula dheeleen Premier League dhigooda West Bromwich Albion.

Sida laga soo xigtey Shabakada Marca ee wadanka Spain, macalin Wenger ayaa wuxu ahaa mid cabasho badan ka gudbinayey Marata, taasoo ah in wiilkaan mar walba oo qalad lagu galo loo dhigeyey Laad Xur ah oo qalad ah.

Marca ayaa rumeysan in Wenger uu had iyo jeer uranayey: “Waa mid istuur-tuuraya, mar walba oo qalad lagu galena, wuxuu yahay mid ay ku heleyso Chelsea Laad xur ah oo qalad ah.

Sikastaba, labadaan kooxood ayaa waxay wada dheeli doonaan Lugta labaad 24-ka bishaan Janaayo, waxaana kooxdii badiso ama Natiijo fiican hesho ay tahay mid usoo bixi doonta Final-ka koobkaan xiisaha badan.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close