Xiddig kasta oo Real Madrid waxaa lasiiyey 1.5 million euros oo abaal marin ah Sabab?

Maamulka kooxda kubada Cagta Real Madrid ayaa lasheegayaa in ay Cayaratoyda kooxdaas u qaybiyeen lacag ka banaan mushaarka ay qaataan lacagtaas oo abaal marin looga dhigay.

Wargeyska Marca ayaa daabacay in Cayaaryahan kasta oo u dheela Real Madrid la siiyey aduun lacageed gaaraya 1.5 million euros lacagtaas oo ay ku heleen koobka kooxaha aduunka oo ay dhawaan qaadeen.

kooxda Real Madrid ayaa marka laga reebo koobka Horyaalada yurub iyo Horyaalka La Liga waxa ay qaadeen koobabka Super Cups, European Spanish, iyo Club World Cup.Waxaana ay Noqonayaan kooxda ugu badan ee koobab qaaday Sanadkaan sii dhamaanaya ee 2017.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close