Xiddig muhiim ah oo dib ugu soo laabtay Naadiga Liverpool

Xiddiga qadka dhexe ee Liverpool Philippe Coutinho ayaa saakay dib ugu soo laabtay xaruunta tababarka ee Melwood-ka halkaasi oo ey dhamaan kooxda kusugnaayeen si ey training u qaataan.
Ilaa 10 cayaaryahaan oo ey ku maqnaayeen cayaaraha qaramada ayaa sakay dib ugu soo laabatay training ka waxaana kamid ah cayaartooydaasi Roberto Firmino, Philippe Coutinho, Mohamed Salah, Ben Woodburn, Danny Ward, Dejan Lovren, Joe Gomez, Trent Alexander-Arnold, Dominic Solanke iyo Emre Can.
Waxaa la Arkaayay Philippe Coutinho iyo macalin Klopp oo isa salaamaaya waxaana la filayaa in xidigaani uu qeeb ka noqdo kulanka ey Liverpool lacayaari doonta kooxda Man City sabtida.
Sidoo kale Super Sadio Mané ayaa diiday in uu waqti isaga lumiyo nasiino kadib shaley makuu kuso labtay England isla galabtiiba wuxuu ku biiray training ka kooxda liverpool.

 

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close