Xiddiga Loogu Doon Doonista Badan Yahay Ee Mbappe Oo Shaaciyay Kooxda Uu Ku Biirayo

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta AS Monaco iyo xulka qaranka Faransiiska ee Kylian Mbappe ayaa waxa uu shaaca ka qaaday kooxda uu doonayo inuu udhaqaaqo hadii uuba ka tagayo kooxda uu haatan joogo.

Majaladda Marca ee kasoo baxda wadanka Spain ayaa sheegeysa in Xiddigaan uu door bidayo inuu kusoo biiro kooxda ka dhisan caasimadda wadanka Spain ee Real Madrid, halka uu kooxo kale aadi lahaa.

Waxa ay lee dahay Jareeradaan in Mbappe uu gadaal iska dhigayay dalabyadda kaga imaanaya kooxda Manchester City macalinkeeda kaas oo toddobaadkaan usoo bandhigay qiimo lacageed waali ah.

18-sano jirkaan ayaa waxa uu yahay mid loogu doon doonista badan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee xagagaan, waxaana uu iska diiday inuu ku biiro City si uu uga soo muuqdo kooxda Boqortooyada Spain ee Madrid.

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close