Xiddigihii Kubadda cagta dalka Soomaaliya ee ugu wanaagsaneydb ayaa Ku kulmey qaarada yurub

Qaar kamida Xiddigihii Kubadda cagta dalka Soomaaliya ee ugu wanaagsaneyd kadib Burburkii dowladdii dhexe ee 1991-kii ayaa Ku kulmey Magaalo katirsan Wadanka Norwey oo ay qaarkood deganyihiin.

Cayaartoydan oo Boosaska Weerarka iyo daafaca ka dheesha ayaa waxaa kamid ahaa Kabtankii Kooxda Banaadir Telecom iyo Xulka Qaranka Ilyees Cabdi Shiine (Ilyees Tiiroow) Weeraryahankii kooxda Elman iyo Xulka Qaran Aweys Cali Winkey,sidoo kale Weeraryahankii Xulka qaranka,Kooxaha Elman iyo Midnimo Ciise Dheere, Laacibkii weynaa ee kooxdii Midnimo Daqare iyo qaar kale oo badan, ayaa kulankooda waxaa ay iskula soo qaadeen xaaladda kubadda cagta ee iminka dalka ka jirta iyo sida ay gacan uga geeysan karaan, soo saarista cayaaryahano da’yar Soomalaiyeed oo iminka yurub ku sugan.

“waxaa uu ahaa kulan aad qiimo inoogu lahaa waxaanu ku ballanay in la joogteeyo oo xitaa dalalka kale yurub cayaartoyda joogta aan ugu baaqno iney kulamo yeeshaan si loo soo nooleeyo Jaceylkii Soomaalinimada iyo midka Sportiga ” Ilyees Tiirow ayaa sidaasi u sheegay”

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close