Xidig Ka Tirsan Chelsea Oo Shil Baabuur Galay & Hadii Uu Khasaaro Kasoo Gaarey [Daawo]

Sida laga soo xigtey warbaahinta UK, xidiga Chelsea ee N´Golo Kanté ayaa wuxuu galey Arbacadii shil Baabuur, isagoo kusoo wajahan Stamford Bridge, ka hor kulankii ay la dheeleen Arsenal, oo League Cup-ka ka tirsanaa.

Inkastoo shilkaan uusan kasoo gaari wiilkaan reer France, wax dhaawac ah, hadana waxaa uu yimid kadib markii uu ku dhacey Baabuurkiisa Xamuul ah, xili uu ku socodaalayey mid kamid ah, Wadooyinka London.

Laacibkaan oo dhawaan loo magacaabey xidigii ugu fiicnaa kuwa Faransiiska udhashey sanadkii 2017 ayaa wuxuu marayey xiliga uu Shilka ku lugyeeshay Wada loo yaqaan King’s Road, wuxuu watey Baabuurka loo yaqaan Cooper S.

Waxaa laso wariyey inuu ka Jabey Baabuurkii Kante, qeyb kamid ah Qeybta Hore ee Miyaarada iyo sidoo kale qeybta hore ee Baabuurkiisa.

N'Golo Kanté estrelló su coche de camino a Stamford Bridge del Chelsea

Kante oo kamid ah laacibiintii Leicester City uqaadey EPL ayaa shilkaan uusan kasoo gaarin wax dhaawac ah ayaa waxaa isaga iyo Darawalkii wadey Baabuurkii ay isku dhaceen waxay kusii jeedeen garoonka Stamford Bridge.

Sikastaba, Baabuurka uu Kante, watey oo lagu magacaabo Mini Cooper S, ayaa waxaa qiimihiisa lagu sheegay aduun lacageed dhan 20,000, oo lacagta UK ah, una dhiganta 22,500 oo Yuuroo oo lacagta dalallka Yurub ah.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close