Xidig Liverpool Ka Tirsan Oo Ka Hadley Hadii Kooxdiisa U Dhutin Doonto Bixitaanka Coutinho

Oxlade-Chamberlain, laacibka fasal ciyaareedkan Arsenal uga yimid Liverpool ayaa wuxuu sheegayaa in kooxdiisa ay sameyn karto wax walba inta uu ka maqan yahay Coutinho, oo Barcelona aadey bishaan Janaayo

Barcelona ayaa uga iibsatey Coutinho, aduun lacageed dhan 192 Malyuun oo Dollar taasoo ka dhigtey xidiga labaad ee aduunka ugu qaalisan, waxaase kaliya ka sareeya Neymar Jr, oo lagu qiimeeyo 222 Malyuun oo Yuuroo.

Chamberlain, oo uwaramayay warbaahinta ayaa wuxuu daboolka ka qaadey inuu rajeyo in kooxdiisa aysan saameyn bixitaanka Coutinho, wuxuuna ugu baaqey saaxiibadiisa in aysan niyadooda gelin arrinkaas.

Wuxuu yiri: “Waa run in Coutinho uu ahaa ciyaaryahan wanaagsan, kasoo kaalin fiican ka qaadan jirey guulaha ay hesho kooxda.

Image result for Oxlade-Chamberlain and Coutinho

Wuxuu intaas ku darey: “Laakiin waxaanan indhaha leyska tiri karin inaan hada aan haysano ciyaaryahano kale, kuwaasoo wax go’aamin kara.

Wuxuu raaciyey: “Waxaan haysanaa [Maxamed] Saalax, Sadio [Mane] iyo ciyaaryahano kale, marka ma filayo inay dhici doonaa wax kale.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Coutinho wuxuu ahaa saaxib wanagasan, waxaaan rajeyneynaa inuu horumar ku gaaro meesha uu doortey inuu aado.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close