Xidiga Chelsea Ee Hazard Oo La Shaaciyay Kooxda Uu Doonayo Inuu Ku Biiro Real Mise Barca

Weerar yahanka kooxda kubada cagta Chelsea, ee Eden Hazard, ayaa waxa uu doonayaa inuu ku biiro Real Madrid, oo uu haatan ka helayo dalab, sida ay sheegayaan wararka laga heyo Magaalada London.

Illo wareedyo ku dhow dhow, xidigaan reer Belgium, ayaa waxaa laga soo xigtay inuu lasoo xiriiray macalinka Cad Cadka ee Zidane, waxaana uu kala hadlay inuu kusoo biiro Los Blancos, bisha Janaayo ee sanadka dambe.

Majalada Don Balon oo kasoo baxda wadanka Spain, ayaa waxay sheegeysaa in Hazard, uu aqlabay dalabka uga yimid Zidane, islamarkaana uu kusoo biirayo Madrid, bisha Janaayo, ee sanadka cusub markaasoo uu furmi doono suuqa.

Hazard ayaa waxa uu dhaliyay shan gool, kulamadii uu udheelay xili ciyaareedkan Chelsea, waxaaan xusid mudan in qeyb kamid ah, xagaagan uu ahaa mid dhaawac ah, waxaaan tan iyo markii uu soo laabtay uu lasoo baxay dardar.

Laacibkaan ayaa qandaraaska uu ku joogo Stamford Bridge, waxa uu ka dhacayaa sanadda soo aadan, waxaana dhawaan la sheegay inuu diiday inuu saxiixo heshiis cusub, kaasoo uu kusii joogayo Blues.

Sikastaba, Shabakada Don Balon, ayaa sheegeysa in Hazard uu doonayo inuu ka tago Chelsea, bisha Janaayo uuna ku biiro doono Los Blancos, waxaana warkaan uu farxad uyahay taageerayaasha Boqorada La Liga.

Tags

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

Abdi Rahman Adani is a football reporter with Laacib.so. A sensational writer, political critic, prolific editor, published author and editorial consultant. He writes on a wide range of subjects: sports, law, politics, public affairs, and human rights. And based in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close