Xidiga Ka Dheela Lamberka 9-aad Mid Waqti Xaadirkaan Ugu Fiican Oo Farta Lagu Fiiqay Ma CR7-baa?

In Ronlado uu dhaliyo Laba gool, isagoona ka dheelaya Lamberka 9-aad, ayaa waxay ka dhigeysaa inuu yahay laacibka kaliya ee ka dheelaa Booskaas, ee waqti xaadirkaan ugu fiican aduunka, waxaana shaki ku jiray in wiilkaan uu shabaqa la saaxiib yahay.

CR7 ayaa wuxuu xalayto kusoo laabtay shaxda Los Blancos, isagoona kulankiisii ugu horeeyay ee u safto uu udhaliyay Laba gool, waxaana ay ka dhigan tahay inuu ahaa mid ay Real u baahneed kulamadii ugu dambeeyay oo ay ku adkeed inuu shaqaba, ay gaareen xiddigaheeda.

Kaliya 15 daqiiqadood ayay ku qaadatay in wiilkaan uu dhaliyo goolkiisii ugu horeeyay kadib markii la ganaaxay shan kulan ciyaartii ay kula dheeleen Tartanka Spansish Super Cop-ka Naadiga Barca, waqtigaasoo la siiyay xiddigaan Kaarka Gaduudan, Xilli la ganaaxay Shan kulan.

Wixii ka dambeeyeeyay kulamadaas ayaa waxay Los Blancos, ay ahayd, mid aanan guul gaareen marka laga soo tago kulankii ugu horeeyay ee La Liga, iyadoona labadii ciyaar ee ugu dambeysay ay gashay Bareejo, waxaana muuqata in Ronaldo, aad loo tabay, balse xalay ay soo dhamaatay.

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close