Xidiga Man City Ee Jesus Oo Kusoo Laabanaya Magaalada Barcelona & Sababta Oo La Ogaadey

Weerar yahanka kooxda kubada cagta Manchester City ee Gabriel Jesus, ayaa wuxuu usoo socodaali doonaa Magaalada Barcelona, si uu halkaas uga heli daaweyn ku aadan dhaawacii kasoo gaarey kulankii Crystal Palace.

Kulanka ay Palace la dheeshay Man City oo ka dhacey labo Isbuuc ka hor ayaa waxaa uu kusoo dhamaadey Bareejo 1-1, iyadoona uu ahaa midkii lagu soo gaba gabeeyay Guulihii xiriirka ahaa ee kooxda Man City.

Jesus, oo ka dhaawacmey dhanka Jilibka ayaa waxaa Barcelona ku dhaaweyn doona Dhakhtarka lagu magacaabo Dr Ramon Cugat, kaasoo horey usoo daaweeyay ciyaartoy hada udheesha Sky Blues.

Ciyaartoyda uu dhaweeyey Dr Ramon Cugat, ee hada udheesha Man City ayaa waxay kala yihiin: Ilkay Gundogan iyo Benjamin Mendy, kuwaasoo khadka dhexe iyo daafaca dhexe ka kala dheela.

Jesus ayaa waxaa laga saarey garoonka isagoo ilmeenaya, waxaana tan iyo xiligaas uu yahay mid aanan udheelin kooxdiisa.

Maamaha Hogaamiyaasha Premier League, ninka lagu magacaaabo Pep Guardiola ayaa xaqiijiyey in wiilkaan uu garoonka ka maqnaan doono Hal bilood.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close