Xiisihii Lucas Hernandez Oo Man United Ka Fashilmay,Muxuu Sameeyey?

Hamigii kooxda kubadda cagta Manchester United ay ka qabtay in ay Ateltico Madrid kala soo wareegto Lucas Hernandez ayaa soo dhamaatay kadib markii uu xidigani kooxdiisa Atletico Madrid qalinka ugu duugay heshiis cusub oo waqti dheer ah. Manchester United ugu horayso ayaa doonayay adeega Lucas Hernandez balse waxa uu go’aansaday in uu qayb ka sii ahaado kooxda Diego Simeone.

Atletico Madrid ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in Lucas Hernandez uu kooxdeeda u saxiixay heshiis cusub oo dhacaya June 2022 isaga oo laba xili ciyaareed ku kordhiyay heshiiskii uu markii horeba ku joogay Vincente Calderon. Lucas Hernandez oo ah ciyaartoy awood u leh in uu boosas badan ka ciyaari karo ayuu Mourinho doonayay in uu Old Traffrod keensado.

Lucas Hernandez ayaa ka soo baxay xarumaha kala duwan ee Atletico Madrid wuxuuna haddaba go’aansaday in uu sii wato ka sii mid ahaansha kooxdiisa Ateltico Madrid oo uu ciyaartoy muhiim ah ka yahay. Lucas Hernandez ayay walaalo yihiin Theo Hernandez oo isla Atletico Madrid ka tirsan kaas oo ay saxiixiisa ku dagaalamayaan kooxaha Barcelona iyo Real Marid.

Sikasta Agaasimaha ciyaaraha kooxda Atletico Madrid ee Jose Luis Perez ayaa si rasmi ah u shaaciyay in Lucas Hernandez uu waqti dheer sii joogi doono kooxdiisa wuxuuna amaan wayn u soo jeediyay da’yarkan ree France kaas oo mustaqbal wayn ku leh kubbada cagta. Heshiis kordhinta Lucas Hennandez ee kooxdiisa Atletico Madrid ayaa ku soo aaday saacado ka hor waqtiga ay Atletico Madrid kulanka Madrid Derby ee lugta hore ee Champions Leaque-ga la ciyaari doonto kooxda Real Madrid.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close