Home » Africa » Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Laliska oo ku dhawaaqay…

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Laliska oo ku dhawaaqay…

LAACIB.SO : Kulankaan Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda laliska ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin ka socotay gudiga Olombikada soomaaliyeed qaar kamida xiriirada sporti ee dalka ka jira kooxaha u diiwaan Gashan xiriirka soomaliyeed ee kubadda laliska qubaro sporti iyo marti sharaf kale oo muhiim ahayd.

inta aysan dhicin doorashada waxaa saxaafada la hadlay xoghayihii Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda laliska ee afartii sano ee lasoo dhaafay isla markaana ahaa musharax xoghaye Maxamed Abuukar Xiirey Liibaro kaas oo sharaxay wixii ay qabteyn afartii sano oo ay xilka hayeen.

Ibraahim Roombo oo ah xubin ka tirsan GOS Isla markaana ka mid ahaa gudiga qaban qabada doorashada ayaa ku dhawaaqay magacyada musharixiinta u taagan qabashada xilalka Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda laliska,xubnahii ka socday lixda kooxood ee u diiwaan Gashan xiriirka soomaliyeed ee kubadda laliska ayaa ugu dambeyn si aqlabiyad leh ugu codeeyay xubnahii musharixiinta ahaa maadama aysan jirin cid kale oo la tartantay.

Roombo oo ka mid ahaa gudiga qaban qabada doorashada ayaa ku dhawaaqay magacyada iyo xilalka musharixiinta la doortay , waxaana Guddoomiye loo doortay Cabdulqaadir Cumar Abuukar , Guddoomiye ku xigeen waxaan loo doortay iitoob Cabdi Xasan , galka Xoghaye Guud loo doortay Maxamed Abuukar Xiireey.

Kadib doorashada waxaa goobta ka hadlay Gudoomiyaha la doortay ee Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda laliska C/qaadir cumar abukar iyo qaar kamida martidii doorashada kasoo qeyb gashay,ugu dambeyn waxaa munaasabada soo xiray Xaaji Maxamed Axmed Colow oo ah xubin ka tirsan GOS wuxuuna hadalo dar daran ah u jeediyey masuuliyiinta cusub ee la doortay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*