Xog Cusub! Maxaa Kusoo Kordhay Xiisaha Manchester Ee Antoine Griezmann?

Kooxda Kubadda Cagta Manchester United ee wadanka Ingiriiska ayaa waxa ay sare uqaadeysaa dadaaladda ay ku bartilmaameedsaneyso Weeraryahanka Kooxda  Kubadda Cagta Athletic Madrid iyo Wadanka Faransiiska.

Xiddigaan ayaa waxa uu muddo shiishka usaaran yahay Red Devils, waxaana sidoo kale xiisahaas kula jira Kooxo Kale, oo ka dheela Horyaalka Ingiriiska, Faransiiska iyo Horyaalka Wadanka Jarmalka.

Balse, sida ay sheegeyso Majaladda Metro, ee kasoo baxda wadanka Ingiriiska kooxda United ayaa waxa ay ku dhow dahay ayna kaga horeysaa kooxaha kale loolanka lagu uguursanayo helitaanka adeega Antoine Griezmann.

Waxa ay intaas ku dareysaa Jareeradaan in Manchester United ay xiddigaan kula soo dhawaaqi doonto aduun lacageed dhan £86 million, marka uu furmo ama la gaaro Suuqa kala Iibsiga ciyaartoyda ee Xilli ciyaareedkan.

United ayaa waxa ay xalay ku guuleysatay Koobka Europa League, waxa ayna xaqiijisay booskeeda Champions League kadib 2-0, ay kusoo daartay Ajax, waxaana la filayaa in Griezmann uu seddex toddobaad ee soo aadan uu go’aan ka gaaro Mustaqbalkiisa.

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close