Xog muhiim ah oo ku saabsan English Football League Cup (EFL Cup) halkan kaga bago

English Football League Cup (EFL Cup) ayaa maraya heer gabagabo ah iyadoo caawa

la qaban doono isku aadka wareega sideed dhamaadka.

Ka dib marka la ciyaaro caawa seddexda kulan ee ka harsan wareega 16ka EFL Cup

waxaa la qaban doonaa isku aadka wareega 8da oo ay Sky Sports toos u baahin doonto.

Kooxaha ilaa iyo haatan u soo gudbay wareega sideed dhamaadka waxaa ay kala yihiin: Arsenal,

Hull City, Leeds United, Liverpool & Newcastle United.

Caawa waxaa la ciyaarayaa seddex kulan kale oo ay ka soo baxayaan seddex kooxood

oo dhameystira wareega 8da, iyadoo Man United iyo Man City uu midkood soo gudbi doono,

halka West Ham iyo Chelsea ay u dagaalami doonaan inay qeyb ka noqdaan isku aadka caawa,

Southampton iyo Sunderland ayaa iyagana isku dhegan.

Laakiin goormee ayaa la qabanayaa isku aadka? Halkeed ka daawan kartaa?

Goormee la qabanayaa isku aadka wareega 8da?

Isku aadka waxa uu dhici doonaa caawa marka uu soo dhamaado kulanka cusub ee u

dhaxeeya Manchester United iyo Manchester City. Ciyaartaas waxa ay bilaaban doontaa

10pm Saacada Geeska Afrika sidaasi darteed isku aadka waxaa la qaban doonaa ku

dhawaad 12ka saq dhexe waqtiga geeska Afrika haddii aysan labada kooxood waqti dheeri ah isla aadin.

Sideed ku daawan kartaa isku aadka?

Waxaa toos u baahin doonta Sky Sports kuwaasoo sidoo kale baahin doona kulanka

Manchester Derby, waxaad sidoo kale ka daawan kartaa BeIN Sports.

Kooxahee isku aadka loo qabanayaa?

Sideeda kooxood ee isku aadka loo qaban doono, shan ka mid ah booskooda waa

la hubaa halka seddexda kale ay ka soo bixi doonaan kulamada caawa.

Arsenal, Hull, Leeds, Liverpool & Newcastle waxaa ku soo biiri doona

Southampton ama Sunderland

West Ham ama Chelsea

Man United ama Man City

Goormee la ciyaarayaa wareega 8da?

Wareega sideeda waxaa la ciyaarayaa isbuuca ka bilaabanaya 28ka November.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close