Xulka Benaadir iyo kooxda Banaadir Sports Club oo galabta isku dhagan.

Wiilasha Matalaya Xulka Gobolka Benaadir ayaa galabta la balansan kooxda kubadda cagta Banaadir Sports Club kulan saaxiibtinimo.
Ciyaartoyda Mataleysa Gobolka Benaadir ayaa kulamo tijaabo soo ciyaarayay maalmihii ugu dambeyay iyago soo bandhigay qaab ciyaareed aad u wanaagsan, waxeyna galabta la balansan yihiin wiilasha Banaadir Sports Club.
Xidigaha Gobolka Benaadir ayaa horay ula soo ciyaaray kooxda Banaadir Sports Club xili Habeenimo ah kulankaas oo ahaa mid Saaxiibtinimo waxeyna ku kala baxeyn bar baro 1-1.
Sido kale Xulka Gobolka Benaadir ayaa waxey horay isku soo arkeyn kooxda kubadda cagta Elman kulan Saaxiibtinimo kaa oo dhacay 07-bishan wuxuuna kulankaas ku soo dhamaaday isla natiijo lamid ah tan kor ku xusn ee kulankii Banadir Sports Club.
Xulka Gobolka Benaadir ayaa sanadkan waxaa hogaaminaya Macalin Saalax Faarax Muxudiin Waxeyna xiliyadii la soo dhaafay si adag u sameyen Tababar ay iskugu diyaarinayan Tartanka Dhawaan ka furmi doona Magaalada Kismaayo ee Maamul Goboleedyada .
Ogeysiis kulank:
Kooxaha: Xulka Benaadir Vs Banadir Sports Club
Tartanka: Friend Mach
Garoonka: Banadir Stadium
Saacada; 3:30

W/Q: cabdifitaax nani

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close