Xulka maamul Gobaleydka Jubaland oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

Xulka maamul Gobaleydka Jubaland oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

Cayaaryahanada Jubaland ayaa kasoo dagay garoonka Aadan Cade Saacado kahor,waxana goor dhow ay isku diyaarinayaan ka qeyb galka tartanaka maamul gobaleedyada dalka Soomaaliya oo Muqdisho loo soo wareejiyey.

Xulka Jubalanad ayaa tartankii ugu dambeeyey ee Muqdisho ka dhacay gaaray Finalka,waloow ay ku guul dareestay in ay hantaan koobka,waxana gacantooda ka maroojiyey dhigooda Putland.

Sikastaba Tartanka maamul Goboleedka ayaa la filayey in uu ka dhaco Magaalada Kismaayo,Xarunta Jubalanad,balse xaalado kala duwan ayeey usuurtogalin,waxana loo soo wareejiyey Magaalada Muqdisho.

Tartanka ayaa lafilaya in uu si toos ah u furmo maalinimada Khamiista ah oo ay taariikhda ku asteysantahay 07-12-2017,waxana maalin waliba soo xaadira ciyaaryahano ka socda maamulada ka qeyb galaya tartanka.

Xulka maamul gobaleydka Jubaland ayaa kamid ah xulalka loo saadalinao in ay ku guuleysan karan tartanka ama bandhig wanaagsan ka sameyn karaan.

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close