Xulka Qaranka Soomaaliya oo galabta kulan Saaxiibtinimo la dheelin doona kooxda Elman

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa galabta kulan saaxiibtinimo la cayaari doona kooxda Elman cayaartan ayaa ka dhici doonta Garoonka Banadir Stadium Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Benaadir.
Wiilasha Ocean Star ayaa mudooyinkii ugu dambeyay waday kulamo saaxiibtinimo iyago iskugu diyaarinaya Tartanka Cecafa Senior Challenge Cup 2017 oo bilwaan doona bishan gudaheeda wuxuuna ka dhici doona Dalka Kenya.
Kooxda Elman uu hogaamiyo Macalin Cabdi Joon ayaa ku guuleysatay Tartanka General Daa’uud mudo dheer kadib.
Sido kale Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa maalinta Isniinta la cayaari doona kooxda Jamhuuriya ee ka dheesha Horyaalka heerka 2-aad ee dalka soomaaliya.
Xulka waxaa sanadkan macalin u ah Macalin Maxamed Cabdule Farayare

W/Q: cabdifitaax nani

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close