Yaa Hogaaminaya Shaxda Uu Ra’iisul Wasaaraha Spain U Soo Xushay Koobka Aduunka [Daawo]

Ra’iisul Wasaaraha dalka Spain ninka lagu magacaabo Mariano Rojoy, ayaa wuxuu soo xushay 11-ka ciyaaryahan ee uu isaga usoo xulan lahaa koobka aduunka ee sanadkaan 2018, kaasoo wadanka Ruusha ka dhici doona.

Koobka aduunka ayaa waxaa lagu wadaa inuu bilowgo bartamaha sanadkaan, iyadoona la sameeyay wareega Group-yadda ee tartankaan.

Xulka kubada cagta Spain, ayaa ku dhacay Af Libaax kadib markii ay ku Group ay noqdeen dalka uu Kabtanka uyahay Cristiano Ronaldo iyo wadamo kale, iyadoona ay halkaas isku arki doonaa ciyaaryahano isku koox ah.

Shaxda uu sameystay Ra’iisul Wasaare Rojoy ayaa waxaa kasoo muuqday dhowr laacibiin, kuwaasoo u kala dheeshay Real iyo Barca, oo ah kooxaha ugu waa weyn ee dalka Spain, ahna kuwa kaliya ee laga soo xulay xidigaha.

Iago Aspas, Juan Mata, Koke iyo David De Gea, ayaa waxay noqdeen ciyaartoyda kaliya ee uu dookha koowaad usoo xushay Rojoy, ee aanan udheelin midkoodna Real iyo Barca, waxaana ay shaxdiisa tahay mid xoog leh.

Hoos Ka Arag Shaxda Uu Soo Sameystay Mr. Rojoy:

David de Gea; Dani Carvajal, Sergio Ramos, Gerard Piqué, Jordi Alba; Sergio Busquets, Koke, Andrés Iniesta; David Silva, Iago Aspas, Juan Mata.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close