Yaa U Baahan Neymar!! Xiddig Ka Tirsan Barca Oo Aanan Ka Dheelin Booskiisa Oo Muujiyay Inaan La Tabi Doonin

Daafaca Garabka Bidix ee Naadiga Barcelona, ee Jordi Alba ayaa wuxuu xalay kasoo muuqday kulankii ay xalay 3-0, waxaana ciyaartaan ay ka tirsaneed Tartanka Champions League, iyadoona kulankaan uu ka dhacayay garoonka Comp Nou, ee Gobolka Catalans.

Alba ayaa wuxuu muujiyay xalay inaan loo baahneen Neymar, kaasoo 222 Malyuun ugu biiray Naadiga Paris Saint-Germain, wuxuuna noqday xiddiga ugu qaalisan aduunka, isagoona ka sarra maray ciyaaryahanada waa weyn, ee Pogba, Bale iyo Ronaldo.

Xiddigaan Lugta Bidix ku dheela ayaa wuxuu Messi ka caawiyay mid kamid ah Goolashii uu xalay dhaliyay isagoona Garabkiisa uga soo xarooday sida Neymar oo kale, islamarkaana uu Banooniga lugta ka saaray Messi, kaasoo ugu dambeyntii shabaqa soo taabsiiyay.

Messi ayaa wuxuu ciyaartii xalay dhaliyay Laba gool, iyadoona goolashaas ay sabab ka dhigtay in Blaugrana ay 3-0 ku garaacday Juventus, iyadoona ciyaartaan ay ka tirsaneed heerka Group-yada ee Tartanka Champions League, waxaana haatan ay hogaaminayaan Group-kooda.

Abdi Rahman Adani

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close