YAAB: Dani Alves xalay isku badalay xalay Goolhaye+DAAWO

Dani Alves ayaa xalay gool haye u noqday kooxdiisa PSG kulan ay 4-1 uga adkaatay kooxda Sochaux koobka France.

Goolhaye Kevin Trapp ayaa casaan loo taagay dhamaadkii cAyaarta, waqtigaas oo badalku uu ka dhamaaday kooxda tababare Unai Emery.

Dani Alves ayaana loo xiray gacmo gashiga kooxda PSG, si uu u waardiyeeyo goolka kooxda waqtigii yaraa ee ka harsanaa cayaarta.

Alves ayaa ku guulaystay inuu difaacdo shabaqiisa daqiiqadihii uu ahaa goolhayaha kooxdiis PSG, mana jirin wax kubadd ah oo u gudbay shabaqiisa.

Angel Di Maria ayaa ahaa xiddiga cayaarta kadib markii uu u dhaliyay 3-leey kooxdiisa PSG, waxaana xusid mudan in Neymar uu ka maqnaa cayaartii xalay maadama uu ku jiro dabaal daga dhalashadiisa.

HALKAAN KA DAAWO+ SAWIRRO

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close